Read guuleysta.pdf text version

Idin Kala Garan Weynaye Guulaysta.(!)...

Dhudiya oo mudo yar un ka hor 1991kii habeenkii ay bugtu yeedhay ka timi howdka maaneed iyo marafadle ayaaa inta ay usheedii uhinqatay labadda lugood isdaba dhigtay, koley huginkii madaafiicdii Duqa |Siyaad Bare| dhinac un oga baxsato, iyadii oo baqa-cararaysa ayeey dalaq utiri ragii ay dad isu xigeen isaga ee dhowrkii cisho ee ugu horeeyey doonay in ay difaacaan, inta ay qoray ku qabteen ayeey yidhaahdeen |Islaan yahay istaag| waxay tidhi |Adinkuna yaad ahaydeen| waxay yidhaahdeen |Ciidamaddii Dowladda|!..Isaga tagtay oo mudo hadii ay sii socotay iyaddii oo nafsadeedii hiifaysa oo leh(!)...|heedhe maxaa halkii aad adh-yaha cadcad ku raacaysay kaa keenay, hoog iyo ba'a adigaa cagahaaga kusoo doontay, caku iyo hunguri|(!)..Dhudiya oo cabsida iyo anfariirkuna ay noqdeen hantida keliya ee ay heli kartay goortaa, waxay socotaba waxa ay misana dalaq tidhi goob ay fadhiyeen raggii Caydiid ay dad isu xigeen ee caasimada dagaalka ka bilaabay, sidoodii inta ay qoray ku qabteen ayeey yidhaahdeen |Islaan yahay Istaag| waxay tidhi | Adinkuna yaad ahaydeen| waxay yidhaahdeen |Mucaaradkii|, Dhudiya oo anfariirkii ay qabtay yaab iyo irkig loogu daray, welina uu daryaankii madaafiicdu sidii dusheeda oga hugmayo ayaa tidhi |Idinkala gadhan waynaye guulaysta|(!)...waxaan oga golleeyahay nimankaa Islaax ee kaniisadda galay iyo kuwa ay utageen, horta waxaan leenahay |Idinkala gadhan weynaye guulaysta|(!)... Nin kale oo oday ah oo isaguna intay talo ka xuumatay, meel uu wax ka qabto gadhan waayey ayaa laga sheegay |Eeboow guriga aakhiriyo dunida guudkeeda * Mid un bay galadi ii ahayd inaad igeysaaye * Goodaado dhexe waa halkaan galabta joogaaye|(!)..Abshir Bacadle oo maalmo yar un ka hor ku xijaabta magaaladda Muqdisho AU ayaa yidhi |Dadoow Islaax Haloo Digo Waa Dabayshadaye|, waa sideetameeyadii waxaannu joognay Muqdisho, waxaa waqtigaa si waalan u weeraray xijaabka gabdhaha Musliimta ah Rabigu ku faray |Al-axzaab - 59|, wadaad la odhan jiray Qudubi, ma aysan jirin goortaa sabab cad oo ku kaliftay in uu sidaa oga hadlo xijaabka iyo gabdhaha Muslimiinta ah toona, waqtigaasuna waxa uu ahaa waqti aad u cajab badan oo dadka in yar un ay diinta ku dhaqmi jireen, dhaliinyaradda qofkii la arko isagii oo masaajidka ku laalaabanaya lagu odhan jiray, |oo maxaa ku waalay ma adigaa afartankii gaadhay| Bacadle oo warkii ninkaa kasoo yeedhay oo cid walba ka yaabiyey uu ucuntami waayey ayaa markaa gabay dheer ka tiriyey qadafka uu ninkaasu ku talaabsaday |Dadoow Islaax Haloo Digo Waa Dabayshadaye|(!)...iyadii oo dhaqan xumadaasi ay jidho, ayaa ay hadana maanta intii badnayd kooxdaasi waxa ay umilmeen sida cusbaddu ay biyuhu ugu milanto, iyadii oo ay isugu soo biyo shubatay qabiil keliya sida uu ku waramay nin horay oga tirsanaan jiray kooxdaa oo waxa uu yidhi|Islaax waa qoys keliya, shar iyo kheyrna waxa uu umarayaa danta qoyska|(!)... Waxaa iyadna xusid mudan shir waqti aan sidaa usii fogayn ka dhacay Magaaladda Kharduum oo ay isugu yimaadeen ragg uu ka mid yahay Qudubi iyo rag kale oo badan iyo arday in badanba la qaldayey oo jaamacadaha dalkaa wax ka dhigta in uu ku dhamaday in la isu dhaartay, halka qudubi uu ku hanjabay in uu wixii isaga tubta uu hayo iyo sida uu wax u arko ka horyimaadda ay argagixiso yihiin islamarkaana uu ugacan gelinayo haya'ado kuwa sirdoonka ah oo ay reer galbeedku leeyihiin, halka inta badan dadkii shirkaa kasoo qayb galay iyo ardaydiiba ay yidhaahdeen |Caada Qaate Dooni Mayno|(!)..

1

Idin Kala Garan Weynaye Guulaysta.(!)...

Iyadii oo haantaa wilifkaa iyo walaahoowgaasi jidho, ayaa ay kuwii Minnesota reerka oga fadhiyeyna ubexeen |Maxabbo iyo Deris-Walaaleyn| ka hirgasha iyagga oo sheeganaya Islaamnimo iyo qolyihii la isusoo uruurshay ee goobta yaalay ee Kowtali, Yahuud iyo qolyo dabka caabudaba lahaa(!)...In badan oo dadkii Soomaalida ah ayaa lahaa xiligu gudbanaa oo xasarad iyo dhiilo badanaa..waana sababta ku dhalisay inay kuwaasi sida ay doonaan udhaqmaan mar hadii falalkaa is-huwan ee xaaraanta ah cid wax ka odhanaysa ama ka talaabo qaadanaysa aysan jirin. Waa isbaha-bahaysigaa waxa islawaynta isku gooyaye, waxa ay inta badan ummadu usoo taagnayd beryahan, kuwo iyagu marka ay dadka la joogaanna sheegta oo u muujiya in ay hor illaahay yihiin, marka ay reerka la keli noqdaanna sidii markaa reerku wax udoonayo ula wada, oo un qoyskaa|Islaax| ee guusha loo baryay un ka mid ah, waxaa tusaale noqon kara, markii Aw-Cabdiraxmaan Sh.Cumar oo mar horjooge ka ahaa Masjidka Abuubakar ee Minneapolis ay mar un bulshadii ku baraarugtay isagii oo ku suntan sida ay soomaliduba udhigtay |Ilko abeeso hoostay ka xidhiidhaan|(!)..oo marka lagaba soo tago dhacdooyinkii sanadihii lasoo dhaafay iyo dowrkii uu ka ciyaadhay Dowladii Siyaad Bare ee shuuciga ahayd oo uu gaadhhaye ka ahaa berisamaadkii, maantana qolyahaa |Maxabadda iyo Deris-Walaalaynta| iyagu udhardhigtay uusan mar hore iyo mar dambe toona waxba ka odhan(!)...oo weliba intuu taa iska teeday, iyagii imika ku martiqaaday Masjidka Abuubakar oo aysan weli si rasmi ah oga taabo gelin inta la ogyahay khadka |Maxabadda iyo Deris-Walaalaynta| ee ay qolyaahaasi soo xidheen(!)... Waxaa iyadna xusid mudan wacdarihii uu ka dhigay goortii uu ninka iishay Aw Shariif Sheekh Axmed imanayay magalaadda Minneapolis, goortaa waxa uu minbarkiisii kala dhawaaqay weedho cadcad isaga oo u sawirayay ninkaa leexooday in uu yahay |Amiirulmu'miniinkii|dowladda Islaamka ah hogaaminayey(!).. Halka shaydaankii dhigiisa ahaa ee dhibaatadda Soomaaliya saaska u dhigay |Inna yuusuf yeey|uu habeen iyo maalinba la taagnaa xadiiqadaha la isugu soo baxo ee Minneapolis in uu diinta ka baxay, waxaan xusuustaa iyadii oo uu jawigu halkii ugu xumayd marayo -10 in aw Cabdiraxmaan Sh. Cumar uu taagnaa xadiiqadahaa isagii oo cilaaqaya ninkaa|Inna yeey|(!). Waa isku ragge maxaad ku kala dooratay? Jawaabta Akhristayaashaan u daayey(!)... Waxaan xusuustaa sideetameyadii kolkii aan tegi jiray xalqad uu lahaa |Sh.Maxamed Nuur Qawi| oo uu |Ummahaatka| ku akhrin jiray, waxaa jiray erey uu aad u adeegsan jiray, wuxuu odhan jiray ha noqonina |Immac| ruux dhankii looga yeeraba u jihaysta, iyadii oo ay cudurka saradaankana ka daran ee qabyaaladda kuugu darsantana warkeedaba daa(!). Ma hubsade hanfade noqey, waxaa waxaas oo dhan meel fadhiiso yidhi Meelaynta iyo ku bedelidda kuwa ay sida dhow isugu xidhiidhsanyihiin mowlacyo ay qolyo kale oo muriidiinta ahu ay markaa iyagu gacanta ku hayeen, tusaale waxaa kuugu filan Mowlacyadii Portland ME, Lewiston ME, Boston, Seattle, iyo weliba kuwa kale oo aynaan halkan kusoo koobi karin, kuwan oo uu dhamaantood u gacan geliyey ragg ay qaabkaa siloon ee bahabahaha ahi isugu xidhiidhsanyihiin, walow cid u idmatay agaasinka howlahaa aan la ogayn? sow guul daro usoo hoyatay ma aha inta isaga ku naban ee uu umuujiyo in uu hor illaahay yahay(!)... iyo kuwa uu ku akhdaamto ee bulshawaynta dhaqaalaha oga soo gura(!)..Xiligaa in kale oo intaa ka badan inna badhi doona.. Waxaa iyadna arin xiisa badan ahayd markii la magacaabay oo horjooge looga dhigay masjidka abuubakar, Xasan Dhooye(!).. Oo aqoonta uu leeyahay ee aduun iyo aakhirabba

2 Idin Kala Garan Weynaye Guulaysta.(!)...

aysan dhaafsiisnayn taar uu noloshiisa ka raadsan jiray goortii uu joogay dhulkii hooyo iyo mudug halka uu kasoo jeedo, kolkii uu dunidan sida la sheego casriga ah yimidna uu un ka gudbay imtixaankii taxi-ga |Iyadaaba wax dhan ahe|(!).., Waxa uu hadlakiisii ku bilaabay isaga oo doondoonaya in uu si dadban udhigo xiisaha uu uqabo dhaqaalaha ka iman doona halkaa, iyo mafaatiixda imika loo dhiibay, waxa uu yidhi;|Hotel 5 Star ah ayaad seexanaysaa, 50 kun, 60 kun, 80 kun oo lacag ah ayaa laguu dhiibayaa|(!)..Halkaa maxaad ka baratay, sow hadalkii suubanuhu ma ahayn |Hadii arin loo dhiibo qof aan mudnayn oo ka tali la yidhaahdo qiyaamihii sug|Bukhaari ayaa tebiyey. Nin oday ah oo indhawaytaba isha ku hayey masaajidan boobka aan loo meel dayin lagu hafiyey ayaa nin kale oo oday ah oo ay asxaab ahaayeen waydiiyey oo yidhi |Waar ma masjid baan furtaa mise hilib xalaal|(!).. Ayaa yidhi ninbaa loo geli abaal lagu ulayn doono(!)..sidaas bay ummaddii oo dhan oga yaabtay, waxaanu aragnay oo illaa iyo imika jooga ragg inta sheegtay in ay |dhimirka| wax ka qabaan loo ansixiyey in ay qaataan dhaqaalaha |itaaldarradda| ee federaalku bixiyo, maantana xarumaha ganacsi ee ugu waawayn magaalooyinka ay soomaalidu deganyihiin iska leh, waxaa jira kuwa kale oo sidaas iyaguna itaaladaraddaa oo xubno kale ah sheegtay oo dhaqaalahaa qaata oo hantiilayaal ah, koley waa la iswaydiin doonaa goor ay noqotaba.(!)..Oo halkan ma'ahan Soomaaliyadii xisaab la'aanta la boobayay(!)..Waxaase iswaydiin mudan miyeysan dareensanayn dadka Soomaaliyeed ee jimcayaasha jidgooyadda loo dhigto, ee weliba lagu odhanayo sida in ay kuwaasi Illaahay mas'uul oga yihiin |Yaa loo duceeyaa in aysan ilmuhu ka halaabin oo sad dahab ah bixinaya|(!)..., dhaqan xumadii ugu xumayd ee aan noloshaydii arko ayeey ahayd(!)..Samawada Cilmi oo ahayd haweney da' ah illaahay xagiisana u go'day oo ay kuwaasi dhowr jeer iyagii oo aan is ogayn ay isaga daba laabteen ayaa tidhi |War ragii suufiyadda ahaa ee aanu dhulkii hooyo ku arki jirnay dadka hunguri un bay waydiisan jireen, kuwanse lacag cadaan ah iyo dahab keyd gal ah wax aan ahayn ma doonayaan|(!)... Dhooye(!)...Waxaa aad loogu xusuustaa falkii naxdinta lahaa ee uu ku xidhay 12kii, February, 2004 dugsigii gelinka dambe ee ubadka Soomaaliyeed lagaga caawin jiray shaqadda guri ee laga soo siiyo School-ka, goortaa waxa ku adeeganayey haweeneyda lagu magacaabo Freda Scobey oo mar in ka badan Soomaalida six un u cayday, mar waxay tidhi waa |argagixiso iyo guerilla|, mar kale waxa ay ku tilmaantay in ay kaba liitaan doofaradda duqoobay ee duurka ku nool, Mary Barria oo wakiil ka ahayd madaxa dugsiyadda degmadda oo iyadu barnaamijkaa maamuli jirtay ayaa la yaabtay haweeneydaa waxa ay ku dhigtay Soomaalida, iyo kuwan Soomaalida u eg|dhooye| ee loo adeegsanayo bahdaladda ubadkooda(!)...Freda Scobey oo gaadhay dantii ay lahayd iyo kala eryidda ubadkii Soomaaliyeed ayaa usoo dirtay |dhooye| in haween iyo caruur halkii ay wax ku dhigan jireen kusoo hungoobay galabtaa uu la hadlo si uu ugu sheego in dugsiga la xidhay oo ay aqaladooda dib ugu laabtaan(!)..iyaguna galabtaa way ku oriyeen(!)..,Goortaa waxa uu lahaa|Anigaa idinka joojiyey ee maxaad qaadi kartaan|(!).. waqti aan sidaa usii fogayn Dhooye weli haweeneydaa Freda Scobey un buu daba cararayey(!)., illaahay baa na og waxa loo balan qaaday ama sidaa loogu hantay(!)..Qofkii danaynaya xogtii qisadan lagasoo aruuriyey oo cod ah waxa uu ka dhagaysan karaa |http://agabsame.com| kadibna guji xagga hoose|xaafadda-isku-raran|. Illaahay daa'insanaa muxuu dad abuuray(!)...Qiso kale oo aan taa ka dhicin ayaa iyadna ahayd kacdoonkii uu magaca ku doonayay ee baahbahda ku intihooday, kan oo ay jilayeen ragg dhowr ahaa, imika waxay kusoo af-xidhmeen gacanta Zenawi, hoog iyo ba'a wixii ay ragaasi abaabulayeen ayuu dhooye horjooge u ahaa, magacyadda ururka loo bixiyey qurux badanaa, ujeedada marka la sharxayana ileys badanaa, khudbooyin xamaasad laga buuxiyey oo aan

3 Idin Kala Garan Weynaye Guulaysta.(!)...

illaahay loola jeedin hadii ay maalmo ummadda ku harqiyeen(!).. waxaa ugu wardambaysay in ay kala dhuunteen(!).. Isaga oo dad udambeeyey ragii magaaladda lagu arkay waxa uu lahaa isaga oo marba muuq gooni ah huwan, waa la idoondoonayaa, telephone-kaygaa la dhagaystaa, meel aan ku badbaadayaa ma jidho, habow iyo hawas wixii ninkaa la huwiyey..waxaa inoo xigtay xadkuu ka talaabay! Kuwii isaga ka horeeyeyna waa kuwaa aynu kasoo warannay ee halkaa iyo dhulkii Soomaalida ee boobka lagu haystay|Somali-galbeed| in ay ku gorgortamaan uqalab qaatay! Ka gudoboo teeda kale(!)..qoraalkaygan gaaban ma doonayo in aan si balaadhan oga waramo sida Islaamku u arko falalka xaaraanta ah ee ay reer |Islaax| ku talaabsadeen, waayo waa wax ay iyaguna ogyihiin, akhyaar kale oo farabadan oo dhirranina ay horay oga hadleen, waxa keliya ee aan qoraalkaygan gaaban kusoo qaadi doono waxaa weeye sida diimaha kale ee aan Islaamka ahayn ay u arkaan khadka |Maxabadda iyo Deris-Walaalaynta| ee ay qolyahaasi soo xidheen(!)..oo dadka intiisa badani ay aaminsayihiin in uu yahay mid hunguri loola qasday in ka badan inta diin iyo wanaag loola jeedo. Horta qisadan bilow illaa iyo dhamaad waxaa xagga dambe ka riixayey oo qorsheheeda wata, wuxuu dooniba ha ka helee ninka horjoogaha u ah Daarta Socdaalka|Daar-Alhijra| Aw Cabdiraxmaan Shariif, oo isagu habayaraatee wax uu ka xishoodo aysan jirin, ma doonayo in aan wax un ka taabto taariikhdiisa, waayo waxa uu dibadda isi soo dhigay waqti aan dhawayn, waxa uu beel ahaan kasoo jeedaa islamarkaana uu wakiil oga yahay Maraykanka reerka iyo ururka |Islaax|, waxa uu sheegtaa in ay diinta wax un oga bilaabanyihiin, inkasta oo marka aad la fadhiisato aysan kaaga muuqanayn taa iyadda ah, sagaashan boqolkiiba waxa uu dadka usheegaa waa|hawas| cid u waxyootay aan la aqoon, tusaale waxaa kaaga filan markii uu arintan uu xadhgaheeda falkiyey ka hadlayey waxa uu yidhi |Cumar Ibnu Khadaab ayaa kaniisad galay|(!)..Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa si xun wax usheeg sixirna ka daran, weedhahan |Hawaska| ah ee kasoo yeedhay waxa ay ka dhigantahay adiga oo akhriyey qayb ka mid ah ayaadihii lagu xarimay khamradda oo yidhi |Ha udhawaanina Salaadda|(!)...Halkii ay ahayd in aad akhridaa aayadda oo dhamaystiran si ruuxa dhagaysanayaa uu macnaha ola baxo oo aad tidhaahdo |Ha udhawaanina Salaadda adinka oo khamraysan jeer aad garataan waxa aad leedihiin|4:43. Waxaa aad loogu xasuustaa markii Aw Shariif Sh. Axmed-ka iishay uu gacmagacmeeyey haweeneyda arimaha dibadda ee dalkan horjoogaha ka ah, goortaas isaga oo ka jawaabaya falkaa uu inna adeerkii ku talo xumooday ayuu hadh cad yidhi |Nebi Maxamed SCW ayaa haweenka gacmagacmayn jiray|(!)...ummadd illaahay intii maqashay mar un bay amakaag lakala jeesteen. Niman dhaliinyara ah oo uu ka codsaday in ay ku caawiyaan howshan ayaa waydiiyey iyaga oo og waxa loola jeedo howshan midaynta diimaha ee uu usoo bandhigay(!).. waxa uu yidhi |ujeedada ugu wayni waxaa weeye oo keliya in la baabi'iyo xasaasiyadda dhex taala diimaha|(!)... Inkasta oo Mashruucan in muda ahba laga shaqaynayey hadana waxaad moodaa in sidii laga doonayay uusan uhirgelin, oo judhiiba ay Soomaalidii ka booday, waxayna dadku inta badan qabaan hadii aad la sheekaysato in dhamaan qolyihii tagay Kaniisadda ay si qarsoodi ah ugu xidhnaayeen Kaniisadahaa ka hor inta aan la ogaan iyo salaadii |Maxabadda iyo DerisWalaalaynta|loo tukaday maalintaa. Inuu balaayo dhigaayo uma baahna tilmaane(!)..Awga markii isugu kaaya horaysay waxa uu ahaa kitaab gaablow markaa qofkii uu damco in uu wax usheego si gooni ah ola baxa! Waa nin midaba badan, inta badan ay usahlantahay in uu la saanqaado hadba cidda uu markaa la

4 Idin Kala Garan Weynaye Guulaysta.(!)...

yaal, waxaana tusaale kuugu filan dhacdadan uu imikaba odayga u yahay, oo ummadd dhan oo dhaliinyaro leh, ubad yaryar leh uu kaniisadda qurbaan oga dhigay, sida goob-joogu ku waramay waxa ay qolyahaa barnaamijkaa abaabulayay usheegeen in ay Soomaalida keeni doonaan goobtaa, iyadda oo ujeedadu tahay tukashadda salaad loo dhanyahay oo lagu macneeyey in loola jeedo|Maxabadda iyo Deris-Walaalaynta|beelaha kala diimaha ah ee wada degan|Minneapolis|(!)..Awgu waxa uu baratan ugu jiraa sidii uu dhamaantood oga badin lahaa(!).. waxaa ugu yaab badnaa oo si wanaagsan intiinii Nairobi joogtay sagaashameeyadii aad ku xusuusan kartaan, qisadii uu saaska udhigay|naasnuujinta| ee qaybo dhan oo gabdho iyo wiilal dhaliinyaro ah la isugu xidhxidhayey ee uu ugu doondoonayay wax nuujiya, isagii oo ku doodaya in uu doonayo walaalayn dhaliinyaradaa dhex marta(!).Tanina ay ku suurageli karto oo keliya helida haweeney irmaan oo markaa dhowr dhaliinyaradaa ah nuujisa, iyadii oo aan loo eegaynin inta aad jidho, ugu dambayntana sidii uu isagu udhigay ay nuujintaa ku walaaloobayaan(!)..iyaduba waa dhacdaaye ayaa u baneeyey dhowr iyo sodon jir in uu haweeney kale oo irmaan uu naasaheeda hiigo(!)...sidaasuu bacadle u lahaa |Dadoow Islaax Haloo Digo Waa Dabayshadaye|(!).. Rati heeryo la saariyo ilmo reer ku hagoogte(!)..Ragga kale ee barnaamijkan qayb ahaan ku howlan ee Imaamyadda lagu sheegay waxaa ka mid ah Aw Cabdisalaan oo si wayn oga muuqday sawirada iyo cajaladihii xafladda laga soo duubay, weliba sawirka inta badan dadku ay ka xanuunsadeen waxa uu ahaa mid uu haweeney baadariyad ah la taaganyahay isaga oo gacantiisa midig qalbiga ku haya, isgodaya oo khushuucsan, islamarkaana u muujinaya maxabo waynaatay oo aan la sawiri karin wadaadii uu la taagnaa(!).. Marka lagaba soo tago falalkii ay qolyahaasi ku talaabsadeen, dadka gobolku waxay isku raaceen in aysan qolyahani aqoon darro u gaynin ashqaalkii halkaa dhacay balse ay ahayd wax ay ku talagaleen(!).. waxay kaloo iswaydiinayeen waxa loo yaboohay badanaa, oo ay diintoodii sidaa sahlan oga siibteen aqri qowlka Allaah |waxaad ku tidhaahdaa ma illaahay, aayadihiisa iyo rasuulkiisa ayaad ku jeesjeesayseen, ha cududaaranina waad gaaloowdeen imaantiinii kadib|Towbah 65-66 Hubsiimo hal baa lagu doorsadaa..Axmed Taajir oo safka dheer ee salaadda dhinac kaga jira, oo inta sheekadda meesha ka socota ay u bixi wayday, duuduubay warqadii laga akhrinayey heestii lagu tukaday, afkiisa xidhay oo iska dhextaagan safka salaadda ayaa isaguna si dhan oga muuqanayay sawiradii laga soo qaaday halkaa(!).. Odayga waxaan qabaa in uusan wax badan kala socon sheekadda loogu yedhay..ee isaga oo mowlaciisa iska fadhiya la wargeliyey kadibna uu kutubtiisa soo gurtay(!)...Armuu islahaa quraan akhris baa loo socdaa(!)..waa halkii Soomaalida e |Fiqi tolkii kama janno tago|(!).. waxaa iyadna suuragal ah in lagu soo kiciyey isbahabahaysiga jinni ee ay beesha |Islaax|xagga hoose isaga wada xidhiidhsanyihiin!! Waxay aniga illa tahay in uusan isagu wax dembi ah ku lahayn ashqaalkii halkaa ka dhacay! Mar hadii uusan markii horena la socon, markii dambane uu wixii halkaa laga akhrinayey iyo casharkii xaashidda loogu soo dhigay intuu duuduubay gacmaha xagga hoose u riday, afkiisana qabsaday(!).. Hadii aan intaa oga gudubno ragii filinkaa matalayey, yeey yihiin dadka |Maxabadda iyo DerisWalaalaynta|laga doonayo? Waa dad noocee ah? Maxay aaminsanyihiin? Waa su'aalo u baahan in la iswaydiiyo, waxaa in badan illaahay noo sheegay in Islaamku uu yahay kan keliya ee uu isagu raali inooga yahay, cidii kale ee wax aan isagaa ahayn la timaadana iyaga un lagu celin doono, maalinta dambana uu halkaa faasiq agab la'a oo dhur-daraystay ku idlaanayo(!)..|Aalla-cimraan 85|. Isagoo mar kale qolyaha diimaha kale haysta nooga sheekaynayeyna waxa uu si wanaagsan noo hoga-tusaaleeyey in aysan marnaba ku aqabali

5 Idin Kala Garan Weynaye Guulaysta.(!)...

doonin tan iyo inta aad iyagga oo kale noqonayso, Alle weyne waxa uu si xoogan inoogu farfiiqay in ay jeclaan lahaayeen oo keliya in aynu wax walba oo wanaagsan oo aan haysano ee dhaqan, caqiido, damiir wanaagsan leh si sahlan oga siibano, oo markaa aan iyagga oo kale un noqono(!)..|Al-nisaa 89|. Hadii Illaahay sidaa inoogu digay goor hore, Soomaaliduna dhaqankeedu ahaa in ay il gooni ah ku eegaan cid kasta oo kale oo diin aan Islaamka ahayn haysata, maxaa in badan oo dadkii Soomaaliyeed ee qurbaha yaalay xaaraantan loo geliyey, oo kaniisadda afka looga shuubay, qolyaha falalkaa is-hoos-geliska ah ummadda Islaamka ah usoo dusiyey oo iyagu intii badnayd ee dadka gobolku ay lahaayeen waa duul meel kale u heellan(!)..sow ma aysan haboonaan lahayn in aan ciyaalkeena iyo haweenkeena kala hadhno, oo aan ka tashano, iyagu markaa iyagii oo keligood ah hunguri meesha ay udoonanayaan ha ku walaahoobeenne(!)... illeen wadankan intii isku quruuma ahiba way isku xidhanyihiin(!)...Oo waxay iyagu isu sawirayaan in ay yihiin ragg dhiifoon oo qarankooda wax udoonaya(!)..Ummadd si qaldan oo damiir la'aani ku dheehantahay looga faa'iidaystay iga dheh(!).. Koley Waa laka badin ummadda ay kalsoonidu ka dhuntaana laga tegi..kuwaa liicay ee Imaamyada sheegtay waxay imika umuuqdaan in kalsoonidii ummaddu qabtay ay hog ku rideen(!)..markii ay inbadan oo caruur iyo haween halka loo socdaba aan ogayn ay kusoo tujiyeen kaniisadda(!).. bal aayadihii lagu tukuday aannu wax ka taabano, hadii aad akhridaan warqadda lagu sheegay in loola jeeday in|agendaha|lagu soo bandhigo, waxaa xageeda sare ku qoran in heesta la qorsheeyey in si wada jir ah loo qaado si ay u ansaxdo salaadii |Maxabadda iyo Deris-Walaalaynta|loo sal-xidhay laga soo guuriyey kitaabka yahuuda, oo sida ay leeyihiin waxaan ka akhrineynaa kitaabka |Yahuuda|; Waxaa Qoran; |Kolkaasuu ila hadlay oo wuxuu yidhi; Waa eraygii illaahay usoo diray |Zerubbabel|, oo wuxuu lahaa; Illaaha ciidamadda wuxuu idin farayaa, awood ma ahan, xoogna ma ahan, waxayse ku ahaaytay ruuxa waxyigayga| Zechariah 4:6

|Warqadii Kaniisadda Kowtaliga laga qaybiyey|

Waxaa Illaahay Quraanka in badan inoogu sheegay in qolyahaasi ay salaadoodu tahay marka ay joogaan kaniisadda oo ay doonaan in ay tukdaan sacab iyo foori(!)..|al-anfaal 35|, raqsigaa iyo musikadaa shirkiga lagu qooshay ayeey imaamyadaa liicay iyaguna qayb ka ahaayeen(!)..Marka lagaba soo tago aayadihii kale ee Baybalka laga soo guuriyey ee lagu tukaday goobtaa, waxaa iyadna iswaydiin mudan horta qolyaha kutubtaa wata ee aad la tukatay ama aad |Maxabadda iyo Deris-Walaalaynta|ka raadinayso maxay habdhaqanka illaahay dunidan u qaabeeyey ka aaminsanyihiin ama ay adiga kuu haystaan, ama xataa illaahii dunida sameeyey sidee bay u arkaan; waxaanu soo xiganaynaa kitaabka |Ezekiel| ee yahuuda oo isagu ugu horeeya kuwa ay sida waalan u aaminsanyihin: Waxaa Qoran; |Inna Aadanoow waxaa jiray laba hablood oo la kala odhan jidhay Oholah iyo Oholibah, waxay ka dhilaysteen wiilashii reer ashoor, ee ay shahwadoodu tan fardaha oo kale ay ahayd, halkaasaa naasahoodii la hiigay, oo bikradoodiina la fufujiyey, kuwaasi waxa ay ahaayeen gabdhahaygii. Ezekiel 23, 1-5|

6 Idin Kala Garan Weynaye Guulaysta.(!)...

Waxaan shaki ku jirin hadii aad aayad ka mid ah kitaabkaa ku tukatay, oo intaad is khushuucisay aad eebbe isla soo hortaagtay, adiga iyo intii wadaad waxaa matalayay intaad safdheer u istaagteen|sidii ka muuqatay sawirka| in inta kalena aad ku tukatay, sida tan aan imika wax yar un kasoo sheekaynay ee Ezekiel 23, 1-5|, waxaad dooniba ola jeed, waxaa halkaa ka cad in aad diintii Illaahay iyo Islaamnimadii xaqqa ahayd ee la innagu adoonsaday aad ka siibatay(!)..|waxaad ku tidhaahdaa ma illaahay, aayadihiisa iyo rasuulkiisa ayaad ku jeesjeesayseen, ha cududaaranina waad gaaloowdeen imaantiinii kadib|Towbah 65-66 Kitaabkaa qudhiisa hadii aan dib yarehe usii eegno waxaad arkaysaa oo aan shaki kaaga jirin sida kuwaa illaahay in badanna Quraanka ku xusay in dhaqan xumadoodii iyo sida adaabta laga saaray ee ay illaahay ola dhaqmeen lagu abaal mariyey in ay noqdaan daanyeero |Albaqarah 65|.., Waxaanu kasoo xiganaynaa |Talmoodka| kitaabka yahuuda qaybta |Josefto|sida uu udhigay goortii uu ka hadlayey Illaahay, dadka kale ee aan yahuuda ahayn iyo sida ay u arkaan, iyo iyagga oo waxaas oo bahdala ah u gaysanaya illaahii wax walba unkay(!).., kuna adoonsaday in ay isaga caabudaan misana ku doodaya in ay isaga qayb ka yihiin, oo sida ay ruuxdiisu u dahirantahay ay iyaguna u dahiranyihiin(!)...dhanka kale hadii aad eegto sida ay u haystaan aadanaha kale ee illaahay abuuray ayaa iyadna jahawareer leh, heer ay gaadheen in xataa xawadda banii'aadanka kale ay ku tilmaamaan in ay la too tahay tan xayaawaanka(!)... Waxaa Qoran; |Maalintu waxa ay ka koobantahay laba iyo toban saacadood...sadexda hore Illaahay wuu fadhiistaa oo waxa uu eegtaa shareecadda..sadexda xigta wuu xukumaa..sadexda xigta dunida ayuu quudiyaa..sadexda ugu dambaysana waa uu fadhiistaa oo waxa uu la ciyaaraa nibiriga boqoradda kaluunka| Waxaa Qoran; |Illaahay kama marna axmaqnimo, cadho, iyo beenta| Waxaa Qoran; |Banii'aadanka waxa uu illaahay u abuuray in ay u adeegaan yahuuda| Waxaa Qoran; |Inanku waa qayb ka mid ah aabihii, Arwaaxda Yahuuduna ka muhimsan kuwa kale, waayo waxay qayb ka tahaym ruuxda Illaahay, iyadu way karaamaysantahay xagga Illaahay, arwaaxda kuwa kalena waxa ay ka dhigantahay sida tan shaydaanka oo kale| Waxaa Qoran; |Dadka waxaa lag abuuray marka laga reebo yahuuda biyo faras, ajaanibtana illaahay waxa uu abuuray sida muuqa dadka, si ay ugu suubadaan u adeegida yahuuda, kuwa sababtooda dunidan loo sameeyey| Waxaa Qoran; |Manida aan tan yahuuda ahayn waxa ay ka dhigantahay sida tan xayawaanka oo kale| Kaba soo qaad imika in aan nidhaahno kuwan ayaan|Maxabadda iyo Deris-Walaalaynta|ka raadinaynaa(!)..sidee bay markaa arintaasi suuragal u tahay...qof adigaba kuu haysta in laguu sameeyey si aad ugu adeegto, oo illaahayba kaa dhigi lahaa ama ku siin lahaa muuq xayawaan oo keliya uu kala xishooday in uu kaa uu sababtii u sameeyey dunida uu xayawaan u adeego, waana sababta sida ay iyagu ku doodayaan muuq dad laguugu yeelay! Hadii ay arintaasi si dhow iyo si fog toona u suuroobaynin sida muuqata maxaa innaga inoo banaan hadii aan nahay dad Muslimiin ah oo ka shidaal qaadanaya Quraanka iyo Tubtii toosnayd ee uu Suubane Nebi Maxamed NNDH nooga tagay!! Waxaysan labo isku diidanayn quraankana in badan lagu xusay in Illaahay naga doonayo in aan eraygiisa meel walba gaadhsiino, iyadii oo aan laguu egaynin in aad tahay caalim maahir ah iyo in kale, waayo waxaad xasuusataa halkii uu nebigu yidhi |Iga gaadhsiiya aayadba allaha ka dhigee| Bukhaari baa tebiyey. Hadii markaa ay noqoto dhanka diimaha kalena horta waa in

7 Idin Kala Garan Weynaye Guulaysta.(!)...

aad ogtahay waxa kooxdaas aad donayso in aad wax gaadhsiiso ay aaminsanyihiin, kadibna waxaad awoodi kartaa in aad iyagaa wax usheegto, kala doodo waxa ay aaminsanyihiin adiga oo adeegsanaya waxyiga xagga sare ka yimi ee suubanne nabigeenii lagu soo dejiyey, goortii ugu horaysayba lagu yidhi |Ogoow in uusan Allaah mooye uusan illaah kale jidhin|Muxamed 19, waana halka ugu horeysa ee qofka Muslimka ahi la doonayo in uu ka bilaabo, kadib waxaad ugu yeedhaysaa sida qoran in Allaah keliya la caabudo|Aala-Cimraan 64|, kolkaa kadib waxaa kuu furan in aad dood qiima leh oo wax lagu kala qaadanayo la yeelato qolyahaa|Al-naxli 125|, tubtaa ayaa laga doonayaa qofka danaynaya raacida dowgii Nebi Maxamed NNDH, laakiin in aad is-dhiibto, oo intaad kaniisadda gasho adiga iyo baadariga kaniisadda isku meel ku tukataan, adigii oo ku doodayaa in aad islaamnimo wado, waa mustaxiil ay ujeedo kale ka dambayso! Waxaaba taa imika ka daran oo meel fadhiiso yidhi nin ka mid ahaa kooxdaa liicday ee immamyadda sheegtay ayaa nin oday ah oo culimo ah uu booqday majliskiisa kadibna uu kusoo arkay birtii aqonsiga ee lagaga shaqaaleeyey wasaaradda arimaha dibadda ee dalkan, waxaa dhexda kaga qornaa |Xafiiska La dagaalanka argagixisadda|, dhexdana waxaa far waawayn lagaga dhigay |Special Agent|, ninkaa culimadda ah ee soo arkay ma aynaan aamini lahayn hadii uusan na tusi lahayn iyadii oo sawir ah oo uu gacantiisa kaga soo qaaday birtaa oo sida bilad oo kale usamaysnayd(!)..ka dar oo dibi dhal, sow kaniisad gelid wax sahlan ma noqonayso hadii aad udhardhigatay in aad muslimiintii soo xidhxidho ­ waa xiligii nabigu NNDH uu yidhi |Waxaa iman doona waqti qofka muslimka ah ee diintiisa sida ugu wanaagsan u haysta uu ka dhiganyahay qof jamrad dab ah gacanta ku haysta|. Su'aasha ugu muhimsan ee aan kusoo gunaanadayo qoraalkaygan gaaban waxaa weeye, maxaa sababay in nimankaa liicay ee imaamyadda sheegtay ay qisadan ku talo-xumoodan, waxaan isleeyahay waxaa dhumay damiirkii qumanaa ee hagidda, xusuuso halkii Nebigu NNDH uu yidhi |Hadii arin loo dhiibo qof aan mudnayn oo ka tali la yidhaahdo qiyaamihii sug|Bukhaari ayaa tebiyey, qolyahaa ummadda hor bodaya ee calooshood ushaqaystayaasha ah, intii ay hurgurigooda eegayeen sow ummaddii illaahay duli uma horseedin, sow qayb ka mid ah calaamaddaha saacadda ma ahan in ruuxa cabsi laga qabo shartiisa lagu darajeeyo ama mansab loogu dhiibo. Waxaan kusoo af-xidhayaa qisadan umadda oo dhan ka yaabisay, waxaa ummadd hagi kara, dowga quman ku duwi kara, dadkana wax tari kara, raga tilmaamahan leh; Bal eeg Axmed Ibnu Xambal markii lagu ijbaaray in uu aragtidiisii quraanka la xidhiidhay ka laabto, oo uu ka dhaartay, bal in uu diimo kale ugalo haba joogtee!! Bal eeg Ibnu-taymiyah oo hojooge u ahaa noolaynta sharafta iyo karaamadda ummadda, markii uu istaagay ka hor dagaalkii |Xowqab|ee lagaga soo horjeeday |Magoolkii|isaga oo goortaa ku dhiiraday in uu yidhaahdo guushu way imanaysaa, waqtigaa waxa uu ka codsaday amiirkii Dimishiq oo isagu dagaalo hore lagu soo jebiyey in uu yidhaahdo Iinshaa Allaah, xiligaa waxa uu Ibnu-taymiyah lahaa |waxaan odhanayaa iyadii oo xaqiijin ah marka lagaba tago hadalka|(!)..Bal eeg Cabdicaziz Inna Cadbisalaan goortii uu dhiri-geliyey reer masar dagaalkii |Ceyn Jaaluut| wuu isu soo uruuriyey kadibna halkaa lagu jebiyey cadowgii.

SheriffOsman

Investigative Reporter and Editor [email protected]

8 Idin Kala Garan Weynaye Guulaysta.(!)...

Information

8 pages

Find more like this

Report File (DMCA)

Our content is added by our users. We aim to remove reported files within 1 working day. Please use this link to notify us:

Report this file as copyright or inappropriate

571984


You might also be interested in

BETA
Ilays2.qxd
Ilays6.qxd
Ilays-kayd.qxd
Microsoft Word - WhiteBackground.doc