Read moogayaasha.pdf text version

Moogayaal war-moogaal wax ma oga miyaa weli(!). .

Dabayaaqadii sanadkii 1990kii, saacado yar un ka hor habeenkii ay bugtu yeedhay ayuu Cabdulqaadir Nuur Faarax khudbad uu ku magacaabay "Fitanun Tamuuju Ka-mowjil-baxri", ka jeediyey Masjidkii Ceel-hindi, maalmahaa wax waliba marka si loo eego way hagaagsanayeen, marka si kale loo eegana waxa ay ahaayeen wax Illaahay laga hoos galo, oo inta aad aashaa socoto tidhaahdo Eebboow na mooti(!)..Waxaan ola jeedaa wax waliba way hagaagsanaayeen..Waayo waxaan si nabad ah u fadhinay aqaladeenii iyo badhaheenii, innagii oo habayaraatee wax aan ka baqaynay aysan jirin! Maxay rimantahay, weli lama oga, aniga oo nin aad u da'yar ahaa hadana asxaabtii halkaa isugu timi oo intooda badan ragg waawayn u badnaa ayaa iswaydiinayay Wadaadku ma garabdaar buu leeyaahay! Waayo waxaa ka yaabiyeey dadkii oo dhan umuurta uu ka sheekeeyey, iyo sida xili ama waqti aan si dhab ah loo aqoon waxa iman doona uu oga xogwaramay..Ha iloobin qudhiisa mudo yar ka hor waqtigaa ayaa xabsiga laga soo daayay isaga iyo ragg kale oo akhyaar ahaa oo Siyaad Barre ugu xukunnaa dil, tan oo uu goortii dambe ka furdaamiyey fahadkii boqortoyadda sacuudiga. Hibo eebbe ku siiyay hadh cad la iskama xoodho, wadaadkii sidaa ahaa ee intaa iyo in kale oo aan halkan lagu soo koobi karin usoo maray hirgelinta shareecadda iyo kala yuranta ummadda gumaystuhu isku gooynayo ee daba-qoodhiga loo adeegsaday, maanta waxa uu gaadhay heer aad xasaasi u ah, oo intii Muslim ahayd ee aragtay, ama maqashay, ama goobta taalay ay yaab amakaag iyo dhabanahays la yuurursadeen(!).. 2006 Ummaddii Goboladda Wuqooyi bari oo kuligood shareeca doon ah ayuu isla soo taagay isaga oo leh "Diinta waa lagu dhaqaa goboladan aan ku suganahay, waa la isku guursadaa, waanu tukanaa oo dad muslim ah baan nahay" waxa uu garan waayay waxa ay garteen odayadii dhaqanka ee Maxamed Cumar, Dhulbahante, Reerbiciidyahan iyo kuwa kale oo aynaan halkan ku xusi karin(!)... kuwanu waxa ay lahaayeen dalkii iyo dadkii waa ay baaba'een waxa ay ku badbaadi karaanna waa in diinta illaahay lagu dhaqaa, oo ugu yaraan qofkii qof dilaa la dilaa(!)... Ka dar oo dibi dhal kaasu Cadihii Taagta daraa ee ay ummaddu nacday buu ahaaye, waxaa yimid mid carro gaalo ka yimid, illaahay baa naga og waxa loosoo sheegay, ama lasoo siiyay, ama loo balan qaaday, ama xataa lala soo diray(!).. waxa ay subax ku baraarugeen dadkii gobolka isaga oo qayb dhan oo dadkii gobolka ah, kuwa uu ku doodo in uu xukumo ku tilmaamaya waa |Argagixiso|, dadku waxa ay uqaateen in hadii ay reer buuhodle ka horyimaadeen maamulka Zenaawi meesha dhigtay iyo waxa loogu yeeray |Somaliland-ta| ay sidaa argagixiso ku noqdeen(!).. iyadii oo uu mudo yar ka talinayay Puntland ayuu misana dadkii gobolka waxa uu ka dhigay wax uu xidhxidhay, wax uu daafi-qurunley udhiibay, iyo wax uu ku tilmaamay in ay yihiin argagixiso oo meelo kale uu ka sugayo in laga gadhgaadho sidii cagta loo marin lahaa ama loogu garaaci lahaa gantaaladda qaaradaha isaga gudba, ama diyaarado indha la'a oo cid hagaysaa aysan jirin loogu soo diro(!)...Waxaas oo dhan Cabduqaadir Nuuq Faarax waa ag fadhiyey(!).... Jawaabtii uu ka bixiyey waxa ay noqotay in uu Faroole khad-ka telephone ugu soo xidho masjidka isaga oo ka dalbanaya inuu dhaliinyaradda wacdiyo, si aysan u raacin waxa uu ugu yeedhay |Khawaarijta| Muqdisho ka dilaacday. Libaaxii Alamtara soo dhaaf; wixii hore af-un bay ahayde, hada oo shanta la isula tagay, oo qabiil dhan oo qabiiladda gobolka loo hub gurtay, weli wax war ah lagama hayo Cabdulqaadir Nuur Faarax, iyadna waxa ay jawaabtisii noqotay in la arkay isagii oo dhex fadhiya cidii faroole uu ugu

dabaal-degayay Puntland, oo weliba kaaga daranne ay is dhinac fadhiyaan ninka Zenawi uu Puntland usoo wakiishay Asmalaash(!)...Imika way muuqataa sida Cabdulqaadir Nuur Faarax uu ola hayo ama oga raali yahay inna adeerkii, dad badan oo kale ayaa illahaa war xiligu duwanaa, oo dareen iyo dhiilo badannaa, markii uu faroole dagaalka u tafaxaydanayay, hadaladii uu ku hadlay ee dadka oo dhan ka yaabiyey ayaa ahaa isaga oo ka jawaabayay sababta dagaalka ku kaliftay goortaas oo uu yidhi "Calankii Lacnadda ahaa ayeey gobolkii ka taageen sow in aan dagaalno ma ahan" ­ Calanka uu sheegayo bal garo waa maro ay dhexda kaga taalo Laa'illaaha Illaa-Allaah, Muxaammad Rasuulu-laah". Ummadii iswaraysatay oo cid walba lahayd waxa ay hadalkoodii kusoo sal-xidheen "Rajulun fi-zamanin dalla-fiihaa Ari-jaalu"(!)... Hadii aan dib ugu laabano berisamaadkii maamlmo yar un ka hor xiligaa raggii diinta u kacay ee xoogeeda faafin jiray ama hadii aan si kale udhigo casharadda ka akhrin jiray Magaaladii Muqdisho waxa ay intooda badan ahaayeen qabiilka daroodka la yidhaahdo.(!).. Aarintanina waxa ay dhiilo iyo jahawareer ku abuurtay dhowr nin oo aan kuwaa ka dhicin oo inta badan dhaliinyaradda aan cidaa udhalan ku akhrin jiray "Oo kaalay dalkii iyagga haysta oo ka taliya, diintiina ma sidoo kale ayeey noogu talinayaan"...hadaladdaa waxa ay ahaayeen kuwii sida ugu badan aad maqli jirtay waqti aan sidaa oga fogeen habeenkii ay bugtu yeedhay... Iyadii oo laga duulayo taa nin aanu asxaab ahayn oo dhaliinyaradda hawiyaha ahaa ayaa iisheegay in sheekh reerka ahu intuu wadaadadii u khudbeeyey usheegay in aayaddo dhan oo quraanka ahu ay kusoo degeen Majeerteenka [Boqorraddu hadii ay magaalo galaan, way fasahaadiyaan, madaxyawayntana duleeyaan, sidaasayna fali doonaan] 27:34. Xiligaa sida runta ah wixii aan ka aqaanay is-hirdinka qabiiladda waxa ay ahaayeen eber, iima bilownayn, inta badan qaar deriskeena ah waan arki jiray oo indhaha igu guba, walow aanan dareensanayn ujeedada dhabta ah ee ay taa ka lahaayeen, hadana dan uma geli jirin, waayo waxay u dagaalamayeen ma aanan aqoonin, taasaana sabab u ahayd in aan iska yaraysto oo aanan waxba kasoo qaadin. Ma doonayo in aan ku dheeraado nidaamkii xiligaa ee baahinta diinta marka laga hadlayo Inta badan labadii qaybood ee ka hadhay dhulkii Soomaaliyeed ee shanta loo qaybiyey, barnaamaijyadan waxa ay xoogoodu bilowdeen sanadihii 1982-1986, goortaas oo aan qudhaydu ka baxay dugsiga sare, waxaan xusuustaa sanadkii 1982kii annaga oo dhaliinyaro dhowr ah oo casarkii ka lugayna wardhiigleey oo aan degnayn illaa iyo Masjidkii dhagaxtuur ee uu Sheekh Maxamed ka akhrin jiray tafsiirka, isaga oo dadka bari jiray macnaha erayga oo keliya oo habayaratee aysan wax kale wehliyin. Walow dhaliinyaradeenii ka baxay dugsiyadda carabta aan kaga duwanayn kuwa kale in aan akhrisan jirnay wax walba oo aan doono intaan maktabadda tagno, sababta afkii carabiga oo noqday sida luqadeena koowaad oo kale. Waana sababta igu dhalisay goor dambe in aan Cabdulaahi Cali Xaashi oo nin caalim ahaa dhanka diinta iyo dunidaba kala doodo in dhaliinyaradan diinta afka Soomaaliga loogu bedelayo sida [Wa-qaalaalladiina-kafaruu = Gaaladii waxay yidhaahdeen] inta laga daayo loo fududeeyo barashadda luqadda carabiga, si ay oga kaaftoomaan odaydan horboodaya ee uun tarjamadda ku hanqarinaya, dariiqadan oo ah tan keliya ee ay oga xoroobi karaan ruux un iska dhigaya in uu Illaahay usoo diray oo uu ku qasbanyahay waxa uu usheego in uu liqo waxay noqdaanba, goortaa Cabdulaahi Cali Caashi waxa uu iisheegay in [baahinta diintu ay iskeed isaga socoto ee wax nidaam ah iyo cid qaabaysa midna aysan jirin, hor illaahay un bay isaga socotaa] ayuu yidhi. Waxaan tusaalahaa iyo kuwa kale oo soo socdaba akhriste kuugu soo bandhigay, sida dhaliinyaradda Soomaaliyeed ee illaahay ku manaystay in ay dib ­u-eegaan xidhiidhka iyagga iyo rabbigooda ka dhexeeya xili hore iyo imikaba loogu ciyaarayo ee nin waliba inta uu isaga soo dhigo caalim aan warkiisa sinaba loo dhaafi karin markaa waxa uu doonayo ku shubo, waxay halkaa aniga illa tahay oo aan filayaa in aadan igu diidi doonin waa sababta dhalisay in intii badnayd dhaliinyaradda baraarugsan ay ka siibtaan madaxyawayntaa habayaraatee cid iyagga u

2 Moogayaal

dooratay aysan jirin in ay hogaanka u qabtaan, goortii horena ay un ka dhignaayeen in ay iyagu iskood isu magacaabeen, iyadii oo la liqay oo la qaatay taa ayeey hadana dooneen in ay u duwaan sida ay doonayaan kuwa dabaqoodhiga tala-saartay iyagga oo usawiraya in ay yihiin Walliyulamrigii illaahay yidhi [Alle iyo rasuulka ogolaada iyo hogaamiyaha idinka midka ah] 4:53. waxaana la odhan karaa halkaa waa tan ku dhalisay dhaliinyaradda in ay si dhan oo kama dambays ah oga siibtaan, tanina ay dhalisay in ay gaadhaan heer ka yaabiyey madaxyawaynta heer ay gaadheen in ay |masayr|liqiwaayaan horumarka ay ku talaabsadeen mudo yar, iyagga oo inta badan dhulkii Soomaaliyeed gacanta ku dhigay, ummadda hogaankooda ku hoos noolna ay gaadheen nolol in badanna ka duwan tii ay ku hayeen dagaal ooge iyo madaxyawayntii culumo isku sheega ahayd ee u xalaalayn jirtay wixii markaa ay doonayaan. Sanadihii 1986-1989kii waxaa si dhan usoo shaac baxay kacdoonkii raggi is-tusay in darood ay culimo iyo caamabba hogaanku iyagga gacanta ugu jiro, raggii sida aadka ah arimahaa oga dhex muuqday waxaa ug horeeyey horjoogana u ahaa Axmed Daahir Aweys, oo isagu isku darsaday in uu dhaliinyaro daarood ah kasoo eryo Jaamacadaha Dalka Sacuudiga, halka kuwa kale oo habargidir ah oo aan xataa weligood dugsi dhigan uu ku daabulay dariiquu dooniba ha umaree jaamacadahaa, maantana waxa uu meel walba la taaganyahay markii uu dhaliinyaradii uu qaabkaas isugu xidhxidhay ay kasiibteen oo in ay illaahooda raaligeliyaan u bexeen waa [Khawaarij] oo diintii ayeey ka bexeen, isaga oo og in ay kaga qumanyihiin oo ay iyagu tubtii toosnayd hayaan(!)...Waxaa kale oo jiray ragg iyaguna gudaha dalka ku sugnaa oo sidaas si aan ka dhicin kula dhex wareegi jiray dhaliinyaradda cudurkaa iyagga dilooday, kuwaa waxaan ka xusuustaa Cabdulaahi Canshuur oo aan isagu qarsan jirin heerka uu |Qabyaaladda| ka gaadhay, Cali wajiis oo isagu minbarka lasoo fuulay, iyo Xasan Calasoow, kuligood maanta aafadii ay wadeen markii ay shaqayn wayday waxa ay meel walba la taaganyihiin dhaliinyaradda hor illaahay u kacay ee ka koray iyagga iyo diintii |qabyaaladaysnayd| waa [Khawaarij] Raggu sidaa uma wada ba'sanayne waxaa jiray ragg aad muhim u ahaa oo uu ka mid ahaa Cabdulaahi Sheekh Nuur, oo wadaad caalim ah ahaa, islamarkaana koley waqtiyadii hore intii aan ogaa lahaa armaad waxaas xaaraanta ah joojisaan, waxaan kale oo xasuustaa Abshir Bacadle oo aan wadaayo dhow ahayn oo subax dukaan uu ku lahaa bacadliha innaga oo joogna lasoo hadal qaaday qabyaaladda iyo sida ay udilootay dadkii Soomaaliyeed haba ugu daraadaan qolyihii waqtigii dambe sheegan jiray in ay jaahiliyadii ka baraarugeen, maalintaa waxaan xusuustaa weedh uu ka yidhi taa, tan oo dadkii meesha joogay oodhan ay si wayn udhibsadeen waxa uu yidhi [Daaroodna subax walba waxa uu yidhaahdaa illaahayoow Hawiye bulaali, annaguna hadaan hawiye nahay waxaan niraahnaa illaahayoow daarood lug iyo labo ka goo, xagee bay dadkaasi isaga imanayaan], arimahan oo dhami macnahoodu ma ahan in aan doonayo in aan qolo un amaano, ama aan wax gooni ah oo aysan Soomaalida kale qabin ku sheego! Laakiin dulucda hadalkaygu waxaa weeye in aan tilmaamo Moogayaasha culimadda isku sheega ee intay soo jireen wanjalayay dhaliinyaradda Soomaaliyeed ee baraarugay maantana meel walba la taagan waa [Khawaarij], iyo sida ay u moogyihiin halka dunidu marayso maanta. Markii aan dib ugu soo laabtay Magaaladii Muqdisho sanadkii 1996kii ragii inta badan baraaruga diinta aanu wada baahin jrnay ayaa la iga celcelinayay, sababta in aan kala qabiilad duwannahay, oo waxa ay lahaayeen waxaad tahay daarood(!)... in dhaliinyaraddu ay dufoobaan oo dowgii suubanaa ee diinta sidaa qabiil xun oo aan macna lahayn oga anbadaan waxaa oday ka ahaa Axmed Daahir Aweys, Cabdulaahi Diiriye Abtidoon iyagga oo adeegsanayey ragg ay ka mid yihiin Cabdulqaadir M. Adan Cukaasha, Cabdulaahi Sh. Xaashi oo ka mid ahaa ragii Axmed Daahir Aweys uu intuu shahaadooyinka usameeyey geeyey Jaamacadda Madiina, Maxamed Muumin Afrax, cumar shiino oo markii dambe ciyaalka xaafadda kusoo biiray, walow aanan garanaynin halka uu naga soo galay iyo ragg kale oo aanan halkan kusoo koobi karin.

3 Moogayaal

Waxaa aad iigaga yaabiyey waxaan soo booqday 1996 aniga oo jooga Muqdisho saaxiibkay oo horay xataa cid uu yahay aanan aqoon beri samaadkii, nin aan aad isu jeclayn ayuu ahaa, markii aan aqlkiisa soo galay ee aan salaamay ninku ninkiiba ma ahan, waan yaabay, waxaan doon doonay in aan la sheekaysto oo aan furfuro, arintaasu waa ay ii shaqayn wayday oo hadalka oo dhan baa la iisoo gaagaaibiyey(!).. ugu yaraan ninkaa waxa uu da'ahaan iga wayn yahay tiro aanan qiyaasi karin waxaanse xasuustaa in uu tinta cilaaman jiray markii aan 16 jiray ee aan dugsiga sare ku jiray. Intaan si halhaleel ah aqalkiisa oga soo baxay baan ku idhi kheyr baan isku ognahay, ninkaa waxa sidaa u bedelay ee sidaa weli ka dhigayay, iyadda oo xataa kuwii aan diinta waxba ka aqoon ay ka gudbeen oo markii ay ku arkaan kugu berdadayaan iyagga oo leh khalad baa dhacay iwm, iswaydiin bay mudnaayeen, laakiin kuma aanan dheeraan hadii aan naftayda la baxsaday. Ninkaas oo imika dhintay waxaan ogaaday goor dambe in uu ahaa ragii loo adeegsaday halabuurka Nacaybka iyo iska horkeenkii dhaliinyaradii baraarugtay ee ka gudbay wixii raggi isku leynayay...siday noqotaba intii badnayd dhaliinyaradii xalaasha ahayd way ka tashteen dowgaa siloon waana kuwaa imika aad arkaysaan in ay dalkii iyo dadkii nuur unoqdeen. Iyadii oo ay waxaas oo darxumo ahi jiraan, habeenkii ay bugti yeedhay waa tii lasoo qaxay, hadii aan kismaayo beryo joognay oo ay dhaliinyaraddu is uruursadeen waa tii sheydaankii waynaa ee Caydiid uu weerarka kusoo qaaday, dhaliinyaradu waa tii ay magaaladda bilaabeen in ay iyagu ka arimiyaan(!).. goortii uu lugloow isi soo taagay, oo maxay sugi waa tay hubka soo gurteen oo ay dib ugu celiyeen illaa iyo Jamaame meel ujirta 5km. Yaab baa illaahay ukeenay, oo dagaalkii hakiyey, goor dambe waxa uu ogaaday in cidda la dagaalamaysaa ay yihiin dhaliinyaradii baraarugtay, maalintaa raggi xagga Kismaayo usoo talaabay ee ergadda ka ahaa Caydiid waxa ka mid ahaa Xasan Daahir Aweys, Cabduaalhi Axmed Sahal, Xasan Calasoow, Xasan Mahdi ama Xasan Kaafi iyo dhowr wadaad oo kale oo ka socday dhanka dhaliinyaradda(!)... sidii loo fadhiistay casar dheer waxaa lagu kala kacay xili dambe oo habeenkii ah, intaa waxaa la doonayay in dhaliinyaradan lagu qanciyo in ay dagaalka isaga baxaan oo markaa ay dhaboowdo fariintii qoraalka ahayd ee uu caydiid usoo diray [Adinka iyo naagihiinabba isi soo dhiiba], ragii halkaa isugu yimid Xasan Calasow ma ahane intii kale waxaa la isku raacay in caydiid iyo waxa uu wato ee dulmiga ku duulaya sida uu cadaystayna usocda naagaheena lala dagaalamo! Xasan Calasoowna waxa uu cilad ka dhigay in uu Caydiid aduun badan haysto oo habayaraatee cid ubabacdhigi kartaa aysan jirin(!).. Walow aan markii dambe ogaanay in uu ahaa nin reerka matalayay, islamarkaana doonayay in ay halkaa reerka wax un guul ah ogaga soo hoyato. Waxaa kale oo habeenkaa goobta yaalay Daahir Aw-cabdi oo aan filayo in uu imika Boosaaso ku suganyahay, iyo ragg kale oo aanan donaynin in aan magacooda halkan ka sheego, sababo la xidhiidha amaankooda, waxay ahaayeen raggii habeenkii lahaa dagaalama oo iska celiya ninkan idinku soo duulay, waxa uu ujeeda dumarkiina iyo diintiina, maantana waxa ay meel walba la taaganyihiin dhaliinyaradu waa |Khawaarij|, halkaas oo keliya ma aysan ahayn, markii ay dhaliinyaradu gacanta ku dhigeen Magaaladda muqdisho ragg badan oo madaxyawaynta Puntland ah oo ugu horeeyo Daahir Aw-Cabdi waa tii ay tageen Muqdisho, kadibna uu khudbadii salaadii ciida ee Boosaaso uu ka jeediyey in uu soo arkay wax lagu farxo, ayna tahay in lagu daydo(!)...Maxaa isbedelay oo imika keenay in ay ugu yeeraan dhaliinyaradda |Khawaarij|, waa rin iswaydiin mudan oo aan filayo in aan jawaab loo helaynin. Waxaa kale oo mucjiso ahayd ninkii ciidanka hogaaminayay waxa uu ahaa Xasan Mahdi ama Xasan Kaafi oo in muda ahba la joogay dhaliinyaradda Magaaladda Kismaayo, ahna nin ciidamdii Soomaaliya darajo wanaagsan ka gaadhay, aan filayaan in uu habar-gidir ahaa, maalintii cidanku dagaalka galay ee furinta loo dhaqaaqay ayuu dhinaca kale u talaabay, saacado kama aysan soo wareegin markii uu dhanka Caydiid utalaabay, Illaahay baa naga og in uu dhankaa kasoo

4 Moogayaal

dagaalamayay laakiin saacadii ugu horaysay ee dagaalku bilowday ayaa ugu war dambaysay(!) Waxaa kale oo xusid mudan in dhaliinyaradda iyagga oo tubtii haya 12 maalmoodna Caydiid hortaagan ay xagga dambe rasaas kaaga bilaabeen Morgan iyo ragg uu watay oo xiligaa laba todobaad ka hor u baqo cararay dhankaa iyo af-madow, maalintaas dad badan waxay yaqiinsadeen in ay isku ragg ahaayeen Caydiid iyo Morgan, mashruucuna uu ahaa mid shisheeyaha xoogaa looga soo qaatay, si dadkan iyo dalkan loo cidhibtiro. Moogayaashu goobo badan oo ay dhaliinyaradu ku le'atay iyaggaa hagayay oo lahaa waa waajib sharci ah, mida kale ee taa kaba daran ayaa iyadna ahayd in ay dibadda intay soo wareegaan moogayaashu ku qaraaban jireen magaca dhaliinyaradda iyagga oo cid walba oo ay ka gadi karaan usheegayay in dhaliinyaradii ay dagaal ku jiraan sidaa awgeedna ay tahay in la saacideeyo! Dhaqaalahaa meel uu aadi jiray cid ogayd ama og illaa iyo maanta ma jidho(!).... Nasiib wanaag markii ay qisadii gaadhay Goboladda Wuqooyi Bari inta badan ragii kasoo jeeday goboladaa waa ay diideen in wax un dadaal shareeca doon ah laga hirgeliyo goboladaa(!)...Sababta iyadna illaa iyo imika lama oga. Waxyaabaha aadka iiga yaabiyey waxay ahayd marka ay goboladeena joogtana nama qabato, deegaanadda qabiiladda kalena way qabataa(!)...Iyadna baab in loo kitaabo furo u baahan dheh. Waxyaabaha ay aadka ugu fadeexoobeen moogayaashu waxaa ka mid ah, markii la waydiiyey ragg dhowr ah oo kasoo jeeda goboladda Wuqooyi Bari Soomaaliya oo uu ku jiro Cabdulqaadir Nuur Faarax in lala dagaalami karo raggii soo qaatay Mashruucii Argagixiso(Islaam) la dirirka ee Muqdisho iyo in kale waa sanadkii 2005tii, waxay isku raaceen in uu yahay Jihaad xaq ah oo ay tahay in ay cid waliba ka qayb qaadato, halka markii laga soo guulaystay ee gaalkacyo loosoo fadhiistay ay yidhaahdeen maya halkan iskuma aynaan ogayn, iyagga oo fadhiyo gooni gooni ah la qaadanayay Cadde Muusihii taagta daraa, goortaa inta badan qabiiladii Soomaalida ee gobolka waxa ay qalabka isgaarsiinta caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba kasii daayeen in ay soo dhawaynayaan in shareecadda Islaamka lagu dhaqo gobolka sida uu udhanyahay! Ma fadeexad ka wayn baa jirta? Oo hadii ay wax kale garan waayeen ma garanwaayeen in aysan sidaa udhaqmin oo aan hadhow loo adeegsan iyagga qudhooda tii ay farayeen dhaliinyaradda, oo ay halkaa naftooda ku waayaan. Aafooyinkaa moogayaasha iyo kuwa kale oo farabadan ayaa ku kalifay in ay dhaliinyaradu iskood isu taagaan oo ay dhinac uridaan wareerka iyo walaahowga madaxyawayntaa ogaga imanayay waxaad dooniba ku magacoow |Itixaad ama Ictisaam|maantana waa kuwaa dhaliinyaraddii baraarugtay inta badan dhulkii Soomaaliyeed ka taliya intay hadh cad dhulka ku jideen damacii gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka, moogayaashuna ay meel walba lasoo fadhiyaan waa [Khawaarij], iyadii oo ay xaasidnimo un ka tahay, oo dhowr jeer oo kale oo la waydiiyey hadii ay jiraan cilado ay oga maaggayaan dhaliinyaradda si loogaga leexdo aysan jirin wax la taaban karo oo ay miiska soo saareen. Moogayaal war-moogaal wax ma oga miyee weli(!), anigu uma haysto in aysan moogayaashu wax ogayn, ee waxaan isleeyahay armay ogyihiinoo isyeel-yeelayaan ama danahooda gaadhka ah ay kala waynaatay halka umuuri maanta marayso (!).. "Raggaa puntland jooga ee nadwooyinka qabanaya waxa ay maanta u bedeleen halkii illaahay yidhi[Aakhiraa habban oo hadhi]87:17...[Dunidaa habban oo hadhi]" Jaamac Cabdisalaan baa yidhi isaga oo Muqdisho jooga. Moogayaashu badanne waxaa daraad wax in badan uu qarsanayay la dhawaaqay Cumar Faaruuq oo u baneeyey ninka ay qaraabadda yihiin in uu cidaamo shisheeye keensado si uu u ilaaliyo carshigiisa, isaga oo aad ugu qiiraysan wixii uu qarin jiray asiise uu maanta doonayo in uu muujiyo ayuu marqaati ka dhigtay Jamaal Cabdinaasir oo horay uydhi [Cadowgayga sheydaanba allaha ka

5 Moogayaal

dhigee waan u gargaarsanayaa] markaa waxa uu yidhi maxaa reebaya in loo habarwacdo ciday dooniba ha noqotee(!).. isaga oo meel kale kaga hadlaya kooxdii Cabdulaahi Yuusuf uu hogaaminayay ee Zanawi tala-saartayna waxa uu yidhi "Arinku waa mid iska cad oo aan tafsiir u baahnayn, gaal iyo wixii kaashaadaa waa gaal..Ileen kufrigu laba un buu uqaybsamaa, mid asal ah oo kan Zenawi ah....iyo mid murtad ah sida wax allaale iyo wixii Zenaawi raacay oo mabda'ii...wixii raacay haduu horay muslim u ahaana waa ridoobay hadii uu horay gaal u ahaana waaba gaal...marka lakala bax" Cumar faaruuq. Marka sidaa loo dhigo maanta ee aan tiisa u raacno cumar faaruuq shalay iyo maanta isagii oo midna marqaati ka dhigtay qowlka Illaah ee 5:51, halka maanta uu ku taliyey in la raaco tubtii nin shuuci ahaa oo waa masar madaxwayne ka noqday(!)...shalay iyo maanta keebaad ku tilmaami lahayd in uu wadaadku miyir qabay(!)... dad badan baa iswaydiinaya in wadaadka imika uu hogaanka u qabtay cudurka sida waalan dadka u indha tira oo diidsiiya wax walba oo ay garowsanyihiin ama ay aqoontoodu tahay |Qabyaaladda|. Qaar kale oo badan baa iyaguna lahaa armaysan sidaa ahayn oo wax aynaan ogayn ay jiraan, illeen waa tan imika siday udhamaayeen madaxyawayntii diinta lagu sheegi jiray siday doonaan udhaqmayee |Adeege|. Halka kuwa kale ay lahaayeen armuu wadaadku ninkan ay qaraabadda dhow yihiin wax la doonayay iyo sidii uu carshiga reerka ugu sii fadhiyi lahaa isaga oo matalaya reerka. Inta badan dadkii Soomaaliyeed ee aqoonta u lahaa diinta iyo kuwa aan aqoonba waa lala yaabay, waxayna noqotay in xoogaagii yaraa ee kalsoonida ahaa ee hadhay uu isagu gebi kasii tuuro, siday noqotaba illaa iyo imika cid oga ma jirto ujeedada ka dambaysa dhawaqaa xoogan ee ka soo yeeray wadaadkaa. Gabagabada qoraalkaygan waxaan kusoo uruurin lahaa, raggii rag ahaa tage, oo caawa illaahay bay la joogaan, sida Sh.Maxamuud Ciise, Sh.CabdiCasiis Faarax "Lagu-jire" Sh.Faarax Xasan, kuligood waxa ay ku bexeen dagaaladii boosaaso ee daba-dhilifkii waynaa Cabdulaahi Yuusuf lala galay. Waxay igula qumantahay in aan Mogaayashaa |Culimo-isku-sheega|waxba la waydiin oo laga danaysto, intay hadlayaana aan loo jawaabin ee danta laga raaco, wax walba oo aan illaahay loola jeedin maalin un bay dhamaan doonaan(!)... Dhamaadkooda un aan sugno..

SheriffOsman.

Investigative Reporter and Editor

[email protected]

Wargelin; Macluumaad intan ka badan oo la xidhiidha Soomaaliya iyo Soomaalida, waxaad dhawaan ka dheehan doontaan buugayga oo imika daabacaad sugaya waa "Yaa Nacaybka Ku Beeray" oo aad goor dhow un sugtaan hadii eebbe yidhaahdo

6

Moogayaal

Information

6 pages

Find more like this

Report File (DMCA)

Our content is added by our users. We aim to remove reported files within 1 working day. Please use this link to notify us:

Report this file as copyright or inappropriate

571934


You might also be interested in

BETA