Read Ilays4.qxd text version

July

23 2003

cadadka 4aad Fanaanad masaari ah bogga 3aad Wadaddii rasuulka iyo sidii looga marin habaabay Bogga 3aad Qiimaha Dumarka iyo waxqabadkooda Bogga 4aad Sidii aad ku gaari lahayd jacaylka Allaah Bogga 5aad Cudurka Jabtada iyo sida loo kala qaado iyo ka hortageeda Bogga 6aad Cudurka Sonkorowga iyo ka hortagiisa Bogga 7aad Muuqaalka janada Bogga 10aad Sida gabdhaha loo meheriyo Bogga 11aad Nuujinta Naaska Bogga 12aad Mucjisada quraanka Bogga13aad Caqliga Wanaagsani itaal inuu ka roon yahay bal eegoo u fiirsada Bogga 14aad The Light of Guidence / Ilayska Hanuunka [email protected]

23 1423

www.masjidshaafici.com

Sidee ka yeelaysaa xoolaha xaaraanta ah ee ku soo gala?

Sida nabigu (scw) uu xadiith ku yiri xaalaashuna waa caddahay xaaraantuna waa cadahay, wuxuu nabigu isagoo xadiithkaa sii wada noo sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo sharcigu u yaqaan mushtabihaad (aan kala cadayn xaaroontooda iyo xaalooshooda) oo in badan oo dadka mid ahi aanay garanayn, nabigu wuxuu sii tilmaamaay isagoo na dareensiinaya khatarta ay leedahay xaaraantu wuxuuna yiri boqorkasta wuxuu leeyahay seere aan la gali karin oo ciddii gasha ay ciqaab ku mudanayso haddaba ilaahay seerihiisau waa xaaraanta. Xadiithkaasi wuxuu na tusayaa ama na barayaa in qofkasta oo lugtiisa kor u qaadaa uu iska hubiyo meesha uu dhigayo, wax kasta uu gadanayo ama qaadanayo ku fakaro ma xaalaal baa mise waa xaaraam, iyo in uu is waydiiyo muxuu sharcigu ka qabaa haddii ay ku soo galaan xoolo xaaraan ah. Haddaba baaritaan dheer ka dib waxay culumada islaamku ku soo ururiyeen axkaamta xoolaha xaaraanta ah sida soo socota: 1. Hantida xaaraanta in la haysto iyo waa midda uu xarrimay sharciga islaamku, waxay xoolahaasi noqon karaan mid iskiis loo xarimay iyo mid sabab kale loo xarimay. 2. xoolaha xaaraaanta ah sina uma noqonayaan wax uu qof muslin ah uu ka dhigto maal isagu uu leeyahay. 3. xoolaha xaaraanta ah lagama dhaxli karo qofka haysta maxaa yeelay wali kama guurin lahaanshihii qofkii hore u lahaa. 4. xoolaha kugu soo galay beec ama ganacsi baadil ah oo aan xaalaal ahayn uma banana qofkii la wareegay, waxaana waajib ku ah in uu ka xaalaal noqdo. 5. hantida xaaraanta ah oo la shaqaystay xilligii uu qofku gaalka ahaa waa u xaalaal marka uu qofku islaamo, eeg bogga 11aad

gabar xanuunsanayd oo hadda loo hayo lacag dhan $6000 oo doolar

Waxaa cadadkii hore ee ilays lagu soo qoray in gabar walaalaha muslimiinta ka mid ah oo xanuunsan ay soo codsatay in lagu kaalmeeyo in cusbataal loo qaado lagagana bedelo kalyaha, haddaba dad badan ayaa nala soo xiriray si ay ugu tabarucaan lacagtii lagu daawayn lahaa, haddaba lacagta hadda loo helay gabadha waa $ 6000.00 waxaana loo baahan yahay in la gaarsiiyo ilaa $23000.00 sidii ay hore ugu codsatay, waxaan mahad balaaran u soo jeedinaynaa dadka ka qayb qaatay, haddaba aan iyada u daayo warbixinteeda guud ahaaneed. Anigoo ah gabar ardayad ah magacaygana la yiraahdo Ifraax C/risaaq Jamaac, da'daduna tahay 22 sano jir joogana wadanka siiriya. Waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa dhibaabo dhowaan ila soo daristay oo aad ii dhibaysa. Waxaan ka mid ahaa gabdhihii dhigan jiray madarisada quraanka lagu xifdiyo Al-khadija oo ku taal Nairobi uuna macanlim ka yahay macalim C/razaaq jiir iyo macalim Mowliid, ilaahay mahadiis waan xifdiyey qur'aankii dhamaantiis, ka dibna waxaan galay machad loogu talagalay gabdhaha qur'aanka xifdiya, waxaan dhiganayay muddo laba sano ah, haddana waxan ka mid noqday afar gabdhood oo uu machadku siiyo deeq waxbarasho (scholarship) jaamacad ku taala Uganda, jaamacadaas oo lagu barto diinta islaamka. Runtii aad iyo aad ayaan u mahadiyey dadaalkaygii iyo sidii allaah ii haleel siiyey meedhii aan higsanayey.

labada

kalyood ayaan rabaa in layga bedelo

Eeg bogga 2aad Ma caawinaysaa gabadha xanuunsan...

Geeridii Nabigeena Muxamed (scw)

Waxaa qoray Shikh Maxamud Sh.C/waxid Mogadishu, Somalia Iyadoo la ogsoonyahay in dhimashada nabigu ay ahayd masiibo tii ugu wayneed ee soo marta dadka muslimiinta ah ayaan wax yar ka taabanaynaa geeridii nabiga(scw). Nebigu wuxuu jiranaa muddo oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun,habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday. Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi) Faaduma ayaa tiri: "Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: "soo gal Bilaal", waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna SCW wuxuu yiri Bilaalow jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar Sadiiq. Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah. Masjidkii ayuu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri "Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso" ku farxeen nabiga oo aan in Abuubakar markii uu arkay muddo ah soo bixin oo soo baxay, mixraabkii uu Nebigu NNKH maalmaha nabigu sakaraadku istaagi jiray oo faaruq ah wuu hayay wuxuu ka dardaarmay hanan waayay nafsaddiisa waana waxyaalo ay ka mid tahay salaadla miir daboolay waana qeyliyay, da. salaadii ayuu ayuu galay wax yar Nabigu markii uu geeriyooday rag ka bacdi waxaa soo baxay nabiga saxaabada ka mid ah ayaa (scw) oo ay garbaha hayaan Cali rumaysan waayay dhimashadiisa ibnu abii daalib iyo nin kale, wax- ilaa abuubakar akhriyey aayado eyna geeyeen masajidkii dadka cadaynaya in qof kasta dhikii salaadda ku jiray ayaa soo manayo. jaleecay oo eegay rasuulka (scw), marku Dardaarankii rasuulka: nabigu arkay in saxWaxaan idiin dardaar aabadu salaada ku jiraan wuu dhoola cadeeyey mayaa salaadda iyo wixii wuuna noqday inta uu naftiinu hanatay daaha siidaayaay, saxaabadu waxay maalintaa

W argeyska Ilays

Cadadka: 4aad July 23, 2003/ Jamadul awal 1423

Bogga

2aad

Ilays Newspaper

Wuxuu ka soo baxaa Masaajidka Imaam Shaafici 1507 south 5th street Minneapolis, MN 55454 Tell: 612-455-1147 Tell: 612-558-2395 (Su'aalaha Diiniga ah) Cel: 612-275-2512 (Maamulka) Fax: 612-436-0259 [email protected] www.masjidshaafici.com

Ma caawinaysaa gabadha xanuunsan...........

na awoodaan joogtaynteeda anigana gashay Jaamacaddii waxat bilaaban lahay Oct, noloshaydii waxay ogaanayciriir. Waxaan dhowaan cusbutaal ku 2002, markii ay ka hartay 20 cisho yaal Pakistaan oo dadka ay kelyuhu fariisbilaabashadii jaamacadda ee aan ku jiray taan loogu galiyo kalyaha, markii aan isu diyaarin inaan u safro ugaandha ayaa waraysanay ayay waxay noo sheegeen in xanuun igu soo booday, si dhaqso ah kalida galinteeda iyo qaliinkeedu ay ayaa cusbataal la ii seexiyey, noqonayaan $23000 (saddex wuxu ahaa cusbataal privet iyo labaatan kun oo ah oo ku yaal xaafadda doolar). Marka waxaan ka Islii ee magaalada Nairobi, codsanayaa walaalaha dhowr bari ka dib markii muslimiinta ah meel kasta laygu sameeyey baaritaan oo ay joogaan in ay i guud ayaa dhakhtarkii ii caawiyaan oo ay kalli ii sheegay in labadayda gashaan, anigoo maanta kalyood ay fariisteen oo aad ugu baahan taageeraayan shaqaynayan. Markii da walaalahayga muslimiarintaa la ogaaday ayaa inta ah. waxaa lay gudbiyey cusWarkayga xaqiiqdiisa batalka wayn ee waxaa laga heli karaa Kuukuuyo Hospital, isla Macalim C/rasaaq jiir iyo markiiba waxaa la Mawliid oo macalimin ka bilaabay in kalyaha lay ah madarisada Al-khadiija dhaqo, dhaqista kalyaha oo quraanka ilaahay lagu halkii mar waa $100 (boqol lacagta xifdiyo. maraykanka ah), dhaqtarkiina wuxuu ku Waxaan idinka codsanayaa haddii aad i taliyey in asbuucii saddex jeer kalyaha lay caawinaysaan inaad iigu dhiibtaan dhaqo, dhaqaalo la'aan awgeed labo jeer adeerkay oo jooga Cairo(qaahira), ayaa kalyaha lay dhaqi jiray, labadii jeeremailkiisuna yahay na asbuucii waa 200 oo doolar, bishiina [email protected], taleefoonkiis waa 800 oo doolar. Kharajkii labadii cusgacantuna waa: bataal aan galay iyo dhaqidii kalyuhu 2010-6384-699 waxy isku noqotaay $4000 (afar kun oo taleefoonka guriguna waa: doolar), waxay dhib ku 202-4037-944 noqotay labadii aniga taleefoonkaygu waa: waxaan ka codadeeraday ahaa oo sanayaa walaalaha mus- 96311-5949-123 lacagtaa iga bixiJizaakumu laahu khayran limiinta ah meel kasta oo waa walashiin Ifraax cabdinayey. ay joogaan in ay i Markii dambe rasaaq jaamac. waxaan helnay caawiyaan oo ay kalli ii fikrad ah in Siiriya gashaan, (Syria) ka jaban Sidoo kale haddaanu nahay tahay Kenya xagga walaalaha Masaajidka Imaam-shaafici oo kalyaha dhaqidooda, bishii hore horaanku yaal magaalada Minneapolis ee teed ayaa waxaa la ii qaaday Siiriya, wadanka maraykanka cidii rabta inay halkii mar waxaa haddii kalyaha la ii gabadhaa caawiyaan inay la soo xiriiraan dhaqo 50 doolar asbuuciina waa 150 masaajidka ama ay soo wacaan doolar marka saddex jeer la ii dhaqo taleefoonka bishiina waa 600 oo doolar, intaas oo 612-275-2512 kharash ah waxaa bixinayay laba adeera- ama waxaa noogusoo qortaa wixii fariday ah iyagiina way ku cuslaatay oo in ah waxay ku noqotay wax aad u adag, ma [email protected] ka yimid bogga 1aad...

kallida gal-

inteeda iyo qaliinkeedu waxay noqonayaan iyo labaatan kun oo

Soosaaraha Guud

Cabdiqani M. Cali

Soosaaraha labaad

Maxamed Caaqil

$23000 (saddex

Barnaamijka Su'aalaha iyo Jawaabaha

Sh: Cabdiraxman Shiikh Cumar

Waxaa wax ku soo qora

Cabdiqani Maxamed cali (Minneapolis) Maxamed Aaadan Caaqil (Minneapolis) Faarax Ahmed Muuse Ibrahim Saalax Aadam Shiikh Saahid Maxamed (Toronto, Canada) Shiikh Maxamed Sh. C/waxid(Muqdishu) Caasha Cali Xasan (Columbus/Ohio) Cabdulwaaxid C/lahi Khaliif (London/UK) Osmaan Bilaad (Colombus, Ohio) Faysal Bulxan (Minneapolis) Qaybiyaha Jamaal C/rahmaan

Haddi aad u baahan tahay inaad soo dirto qoraal waxaad soo wacdaa

Tel: 612-275-2512

Duruusta ka socota Masjidka Imaam shaafici

Durarul Bahiya Sabtida iyo Axadda bacdal maqrib. Saxiixul Muslim: Talaada iyo Arbaca bacdal maqrib Riyaadu saalixiin: khamiis bacdal maqrib Fatxul Majiid bacdal casar sabti iyo axad suwaru min xayaati taabiciin bacdal maqrib Jimce

DDuruusta

ka socota masaajidka imaamu shaafici

Ku dhiibo taladaada

Ilays

Soo Wac Maanta

Durarul-bahiyah (sabtida iyo axadda bacdal maqrib) Saxiixu al-muslim (talaada iyo arbaca bacdal maqrib) Riyaadu al-saalixiin (khamiis bacdal maqrib) Suwaru xayaatu min taabiciin (jimce bacdal maqrib) kitaabu tawxiid (sabti iyo axad bacdal casar) Usuulu tafsiir (sabti iyo axad bacdal cishe) Haddii aad u baahato faafaahin dheeraad ah kala xiriir Tel:612-275-2512

612-275 2512

W argeyska Ilays

Cadadka:4aad July 23, 2003 / Jamadul awal 1423

Bogga

3aad

Fanaanad Masaari ah iyo Sidii ay ku Hanuuntay

Waxaa qoray: Caasha Cali Xasan Colombus, OH USA {qisadaan waxaa laga soo qoray kitaabka la yiraahdo Caaidaatu ila-laah(gabdhihii ilaah u noqday} Anagoo sii wadna sheekooyinkii is daba jooga ahaa ee aan uga dan leenahay cibro qaadashada, ayaan jeclahay inaan walaalaha muslimiinta manta u soo gudbiyo sidii ay ku hanuuntay fanaanada la yiraa (zuzan-madhir) gacan gabar muslimad ah oo u dhalatey faransa hada waxaa fadli weyn ah in ilaahay gacantaada ku soo hanuuniyo qof ka dhunsan wadada xaqa ah, rasuulku wuxuu yiri s.w.c.isagoo la hadlaya Cali ibnu abii daalib {in gacantaa ilaahay qof ku soo hanuuniyo ayaa ka kheyr badan geela kiisa gud guduudan yacni wax kasta oo aad jeceshahay aduunyada dhexdeeda waxaa kaaga fiican in qof uu gacantaada ku soo hanuuno. Walaalayaal zuzan oo hada dacwada islaamka iyo in dadka diinta loogu yeero ku soo jirtey mudo 20sano ah iyada ayaan u daynaynaa ha nooga sheekayso sidii ay ku soo hanuuntay, sidan ayeyna ku bilowdey: "waxaan ka baxay school la yiraahdo (MARDY-DEH)dabadeedna waxaan galay college lagu barto saxaafada yacni in la noqdo wariye. waxaan la noolaa ayeeyadey taas oo dhashay fanaan Axmed Madhir iiguna toosan adeer, waxaan wareegi jirey dariiqyada xaafada la yiraahdo samalik ee Qaahira(Cairo) wadnaka masar, waxaan ahaa mid tagta cawaysyada iyo meelaha lagu tunto, waxaana ku soo bandhigi jirey quruxdeyda xishood la'aan, anigoo u haysta iney tahay xoriyad ayeeyadey ma ahayn mid awood u leh toosinteyda, aabahay iyo hooyadayna sidoo kale awood uma lahayn inay I toosiyaan, run ahaantii waxaan ahaa mid ilowsan islaanimada iyo iimaanka, hase yeeshee anigoo leh lacag aad u fara badan iyo wajiba wax uun baa tabayey, waa iska cabsan jirey xataa waxaa ka baqi jirey gaaska iyo korantada guriga waxaan oran jirey ilaahay sow kugu gubee, abaal marin arinkaad ku jirto darted waxaan ku oran jirey nafteyda hadii ayeeyadey iyadoo jiran tukaneyso sidee uga bad baadeysaa cadaabka rabi berito, markaas ayaan ku degdegi jirey anigoo damiirkeyga khiyaameynaya inaan hurdo galo ama aan aado meelaha soo jeedka, kadib markii aan guursadey waxaa aniga iyo ninkeygu aadney faransiiska si aan ugu soo dhameysano bishii casalka (honey moon), wuxaan (LAFITIYIKAAN ROOMA), Waa meel kiristaanku qadariyaan sida muslimku Maka uqadariyaan, waxay tiri markii aan damcay inaan galo meesha asnaamtu la dhigay, ayey sooradii ka shaqaynaysay ii sheegeen inaan lebisto maro madow albaabka intii aanan gelin, sidaa ayey diintooda munxarifka ah u ixtiraamayeen. markaas ayaan hoos isu iri muxuu arinkayagu noqonayaa anaga haddii aanan ixtiraameyn diintayada?. Mudo ka dib ayaan ninkeyga ku iri waxaan doonayaa inaan tukado anigaa allah u mahadinaya nimcadiisa, waxuu yiri samee waxaad doontid, waxaan soo qaatey maro dheer oo ii qarisa ilaa madaxa si aan ugu tukado waxaan soo galey masjid weyn ee ku yaal caasimada Paris ee waddanka faransiiska, waa tukadey markii aan dhameystey salaadii ayaan albaabka masjidka iskaga bixiyey maradii dheereyd waxaan damcay inaan shandada ku rito waxaa si kediso ah igu soo dhawaatey gabar muslimad ah oo u dhalatay wadanka faransiiska oo indhaheedu buluug yihiin weligeyna ilaawi mayo xijaab ayay xiraneyd, waxay qabatey gacanteyda si naxariis ku jirto ayey ii tiri maxaad xijaabka u bixineysaa?!. Miyaadan ogeyn inuu yahay amarkii rabigaa, .waxaan ahaa mid aan hadalkeeda si daacad ah u dhageysaneyn waxayse iga codsatey inaan la galo masjidka mudo dhawr daqiiqo ah waxaan damcey inaan diido balse Akhlaaqdeeda iyo sida degan ay iila hadashay ayaa waxay igu khasabtay inaan raaco oo hadalkeeda dhegaysto, waxay i weydiisay ma qirsantahay in allah mooyee ale kale jirin?, ma fahmeysaa macnaheeda, ma aha kelmad carabku iska yiraahdo ee waxaa laga marmaan ah in la rumeeyo oo lagu camal falo.waxay I bartey gabartaasu casharkii igu adkaa nolasheyda, waxaa i ruxmey wadnaheyga xubnuhuna way I jiriricoodeen, dabadeed waxay itiri u gargaar walaasheydiiyey diintan, waxaan ka soo baxay masjidkii anigoo iga buuxo fekar mana dareemeyn waxa hareeraheyga ah, maalintaa gelinkeedii dambe ayaa ninkeygu ii kaxeeyey (Kabareeh) waa meel u banana ragga iyo dumarku iney ku ciyaaraan, waxaan karahsaday meesha joogideeda iyo nafteyda baadida ka buuxdey ka dib ninkeygii ayaan ka codsadey inuu iga kaxeeyo meeshan si aan hawo u helo, .dabadeed waxaan si deg-deg ah ugu soo laabtey qaahira (Cairo), waxaa igu horeeyeyaan bilaabey inaan barto islaamka iyo inaan ka dhex baxo wixii aan ku dhexjirey aduunka iyo quruxdeeda, maan dareymeyn xasilooni iyo deganaasho hase yeeshee waxaan dareemay markii aan salaadii bilaabey si xiriir ah oo aan quraankii bartey, waxaan ka dheeraadey oo ka toobad keeney nolashii aan sameyn jirey, waxanaa maalintii akhrin jirey quraanka, waxaan saacado badan daalacan jirey kutubta islaamka, .waxaan bartey gabdho badan oo diinta si fiican u yaqaan, markii hore ninkeygii waxuu ku noqdey amar adag xijaabkaygii iyo soo dhex gel la'aantii aanan soo dhex galeyn raga, iyo waliba inuu arkay marka ay raggu u yimaadaan in aanan salaamayn, taas oo uu markii hore igu yaqaanay, taasi waxay ahayd talaabadii ugu horaysay ee iimaanka. Imaanku wuxuu ku baraa in loo hogaansamo allah iyo rasuulkiisa s.w.c. ahaadaana kuwaad ugu jeceshay, mashaakil badan ayaa naga dhex dhacay aniga iyo ninkeygii waxaana ku dhawaaney inaan kala tagno hase yeeshee waa ilaahay mahadii waajib ayuu ku noqdey islaamku gurigayagii, ilaahay ninkeygii ayuu ii soo hanuuniyey wuxuu noqdey mid iga kheyr badan oo ikhlaas u ah diinta rabi, iyadoo ay jiro imtixaano badan oo na soo maray ayaanu hadana nahay dad nimcaysan madaama masiibadaydu tahay aduunyada aaney ahayn diintayada. ilaahayna waxaan ka baryaynaa in aanu nagu fidnayn diintayada, sidaa ayay gabadhii fanaanada ahayd waxay ku noqotay mid isaga harta wixii ay ku jirtay markii, waxayna maanta ka mid tahay gabdhaha ilaahay u noqday una toobad keenay, waxayna ka mid tahay dadka maanta dadka diinta ugu yeera, walaalayaal qofkii ilaahay hanuuniyo ayaa hanuuna, aynu ku dadaalno siddii aan ugu xirmi lahayn allaah, ilaah oo lagu xirmaa waxaan ku helaynaa inaan degno meel fiican oo aan laga guureen waligeed waan jannada rabigeen. wabilaahi tawfiiq

Wadadii Rasuulka iyo Sidii aan Uga Marin Habawnay

waxaa qoray Ibrahim Salax Adam [email protected] Rabi isaga oo amaanaya Rasuulkiisa s.c.w, wuxuu leeyahay: Waxaad ku sifowday akhlaaqda tan ugu wanaagsan" (Al-qalam4) Akhlaaqdaas waxaa ka mid ah in dadka lagu kasbado jaceyl, hadal san, dhaqan fiican, wax bixin(deeqsinimo), anshax wanaagsan. Waxaa ka mid ah in qaraabada lagula noolaado kuwa dhow iyo kuwa fogba dabci wanaagsan. Sidoo kale waxaa ka mid ah in dadka loo sahlo umuur kasta oo kheyr ku jiro, in loo cafiyo wixii xaquuq ah ee lagu leeyahay, iyo in laga tago is jaridda ama goynta. Nebigeena (scw) wuxuu ku sifoobay waxaas oo akhlaaq wanaagsan ah, wuxuuna ahaa qof dhammeystiran. Bal hadda nakeena walaalayaal aan aadno guriga Nebiga (scw), marka aan gaarno aqalka Nebigu (scw) waxaan arkeynaa in Nebigu (scw) uusan is kellifi jirin si uu u helo dhar iyo cunto. Nebigu (scw) wuxuu xiran jiray wixii ay u sahlan tahay heliddiisa, hase yeeshee marka uu qaabilayo wafdi ama ay tahay munaasabad ciideed, wuxuu xiran jiray dharka ugu heerka sarreeya. Nebiga wuxuu cuni jiray wixii uu helo, haddii uusan waxba helinna wuu iska seexan jiray isagoo calool maran, waxaana dhici jirtey in uu caloosha dhagax ku xiro si aan loo dareemin in uu baahan yahay. Nebigu (scw) hadii uu helo firaash harag ah ama derin ah wuu ku seexan jiray, hadii uusan midna hellina wuxuu seexan jiray dhulka. Haweenkiisa sharafta lihi (hooyooyinka mu'miniinta) wey ugu sabri jireen arrintaasi. Nebiguna (scw) wuu la yaabi jiray sabarkooda,

waayo isagu ma dooneyn adduun. Waxaa dhacday in mar ay haweenka Nebiga tashteen oo ka wada hadleen ciriiriga ay ku jiraan xagga marashada iyo masruufka iyadoo haweenka kale ay nimceysan yihiin. Rasuulaku (scw) aad ayuu ugu xumaaday arrintaai, wuxuuna haweenkiisa ka haajiray muddo bil ah isagoo aan la hadleynin ilaa uu Allaah ka soo dejiyey aayado lagu doorrimaad gelinayo haweenka Nebiga. Alle wuxuu aayadahaasi ku leeyahay: "Allaah sidaas ayuu la rabaa Rasuulkiisa, idinkuse haddii aad dooneysaan adduun iyo dhalaalkiisa kaalaya waa la idiin dhaqaaleynayaa oo la idin furayaa idinkoo nimceysan. Hase yeeshee haddii aad dooneysaan Alle, Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro, Rabbi wuxuu u diyaariyey ajar aad u weyn midiina samafalka badan".(AlAxzaab) eeg bogga 4aad ................

W argeyska Ilays

Cadadka:4aad July23, 2003 / Jamadul awal 1423

Bogga

4aad

Qiimaha Dumarka iyo Waxqabadkooda

Waxaa qoray: C/waaxid Khalif London, UK [email protected] Ilaah baa mahad leh, naxariis iyo nabadgelyo ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa. Abuuristii dumarka ayaa ku tusinaysa qiimahooda. Haddii raggii laga abuuray dhoobo oo qaabka dhoobadaas uu Qur'aanku sifeeyey iyaga waxaa laga abuuray feeraha Nabi Aadam. Haddii aad si fiican u fekerto waxaa kuusoo baxaysa in ay diinta Islaamku dumarka xafiday sida feeraha uu Ilaah ku abuuray meel xafidan oo uu qofku aad u dhowro. Waxaa taas ka sii daran feeraha oo xafida qaybaha ugu muhiimsan ee jirka sida wadnaha iyo sambabada. Waxaa ku fiican in wadnaha iyo sambabada lagu sheego carruurta muslimiinta ee hooyadu (feeraha) ilaaliso. Hooyada waxaa la rabaa inuu waardiyeeyo aabbaha oo ah jiirka iyo maqaarka. Bal aan fiirino qaabka diimuhu u arkaan Aabbahii iyo Hooyadii ugu horeeyay. Allaah Aadam buu ku halqabsaday Isagoo leh ha cuninna labadiinuba geedka. Wuxuu Qur'aanku sheegaa in aabbaheen Aadam iyo hooyadeen Xawaa ay labadunba dambiga wada galeen. Mar mar eedda waxaa loo tiiriyaa Aadam kaliya. Bal fiiri Aayadda ku jirta Suurat Taahaa. Ilaah wuxuu leeyahay Aadam Rabbi buu caasiyey wuuna lumay. Qof kasta waxaa laga rabaa inuu ka soo baxo wixii loo diray. Aadam isagaa horjooge ahaa waxaana la rabay inuu ku dhiirado inaan Ilaah la caasin. Bal aan fiirino diinaha kale ee sheegta inay yihiin diimo samaawi ah. Shakki ma leh in Towraah uu Allaah ku soo dejiyey Muusa ay Samaawi ahayd sidoo kale Injiil oo Nabi Ciise lagu soo dejiyey. Bal aan fiirino waxa Cahdigii hore (Old Testament) ka yiraahdo Aadam iyo Xawaa. Fiiri Genesis cutubkeeda seddexaad "aayadaha" laga bilaabo 1- 7. Bal 4- 7 aan milicsano. Old Testament Genesis 3:1-7 4But the serpent said to the woman, "You will not surely die. 5For God knows that when you eat of it your eyes will be opened, and you will be like God, knowing good and evil." 6So when the woman saw that the tree was good for food, and that it was a delight to the eyes, and that the tree was to be desired to make one wise,[2] she took of its fruit and ate, and she also gave some to her husband who was with her, and he ate. 4-Laakiin abeesadii (waxay aaminsanyihiin in Ibliis abeeso iska dhigay) waxay haweenaydii ku tiri xaqiiqdii ma dhimanaysid haddaad cuntid. Fiiri afxumadooda waxay Xawaa ku sheegeen haweenay ama naag. Ma oran "wife" oo ah xaaskii Nabi Aadam. 5- Ilaah waa ogyahay arrintaas markaad geedkaas cuntid indhaha ayaa kuu furmaya waxaadna noqonaysaa Ilaah oo kale, waxaad kuu kala baxaya waxa san iyo waxa xun. 6- Kaddib markii haweenaydii aragtay inuu geedku cunto ku fiicanyahay, il qabatin wacanyahay, geedkuna wuxuu ahaa mid la doono inuu qofka ka dhigo caaqil, miro ayey ka soo goosatay wayna cuntay, qaarna waxay siisay ninkeedii oo la joogay wuuna cunay. Usoo gal Cahdigii cusbaa ( New Testament). I Timothy 2:14-15 14and Adam was not deceived, but the woman was deceived and became a transgressor. 15Yet she will be saved through childbearing--if they continue in faith and love and holiness, with self-control. Sida aad ku aragtaan qoraaga Cahdigaa cusub wuxuu cutubka labaad "aayadaha" 14 iyo 15naad ku leeyahay: 14- Aadam lama khiyaamin laakiin haweentaas ayaa la khiyaamay waxayna kusoo baxday mid xadkii ka baxday (dhaaqiyad ah). 15- Waasoo la badbaadiyey waxayna is-hayaan uurka (yacnii dumarka waxaa ciqaab looga dhigay uurka) haddii ay joogteeyaan in ay Iimaankooda haystaan, jacayl iyo wanaag iyagoo naftooda hananaya. Sidii Cahdigii hore ayey hooyadeen Xawaa ku sheegeen haweenay oo waliba udhiganta meeshaan ka dhahno naag. Bal aan fiirino Islaamka: Xaddiiskaas waxaa wariyey Imaam Al Bukhaari. Waad aragtaan ninkaas Nabiga waydiiyey yaa umadan inaan si wanaagsan ula saaxiibo? Nabigu (SCW) wuxuu yiri hooyadaa. Ninkii mar labaad iyo mar sedexaad ayuu Nabiga (SCW) waydiiyey. Nabigu (SCW) wuxuu kusoo ceshay hooyadaa. Mar afraadkii ayaa Nabigu (SCW) yiri aabbahaa. Yuhuuddii iyo Kirsitaankii aragnay erayga ay hooyadeen Xawaa ugu yeereen ee ahaa naag. Waxaa kaloo jira dad ku andacooda in uu Islaamku dumarka liido iyagoo ka hadla dhaxalka iyo guurka. Dagaalkii Xunayn markii muslimiintii ay heleen maal badan ayaa wuxuu Nabigu uqaybiyey xoolihii badankoodii dadkii diinta ku cusbaa oo ubadnaa kaabo qabiilo. Kaddib Ansaar arrintaas waa ku adkaatay hadalo ayaa kasoo yeeray xaggooda. Waatii Nabigu (SCW) inta shiriyey yiri dadkii waxay qaateen xoolo idinkuna waxaad qaadateen Nabi Muxamed (SCW). Waa la ogaa wixii ilmo ka soo daadatay indhihii Ansaar. Hadda haddii wiilashii ay labo laab dhaxalka dumarka heleen oo qof walba fahmi karo xigmada ka dambaysa ee ah in ragga laga rabo masruufka iyo marishada dumarkay qabaan, miyeydaan dumaroow u jeedin xaqaas seddex laabka ah ee Ilaah hooyada siiyey? Mise xoolo ayaa u dhigma xaqaas? Xaqaas hadda hooyadii waa utaaganyahay ee maxaa hadda aabbe Soomaaliyeed laga dhaxlaa? Tan guurka waxay ila tahay qof kasta waa fahmi karaa in haweeynay ayna wada guursan karin labo nin iyo wax ka badani toona. Haddii ragga iyo dumarka aan hal jir ka soo qaadno dumarku waxay noqonlahaayeen wadnaha. Maxaa yeelay dumarku hadduu hagaago waxaa hagaagaya ummadda oo dhan hadday xumaadaana dadkoo dhan baa xumaanaya. Muxuu Islaamku ahmiyadda intaas le'eg usiiyaa dumarka? Nabigu wuxuu yiri adduunyo waxaa la iga jeclaysiiyey dumarka iyo uduga, salaadana waxaa la iiga dhigay waxay indhuhu ku doogsadaan. Waxaa xaddiiskaa wariyey AlNisaa'i. eeg bogga 5aad....... qiimaha dumarka

Wadadii Rasuulka

...ka yimid bogga 4aad Ugu horeyntii Nebigu (scw) wuxuu doorimaad geliyey Caa'isha wuxuuna ku yiri: "La tasho waalidkaa, isagoo is leh wey da'yar tahay" Caa'ishana waxay ugu jawaabtay: "Ma adigaan kaala tashanayaa waalidkey? waxaan doonayaa Alle, Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro". Rasuulka Haweenkiisa kale oo dhana waxay yiraahdeen sidaas. Caa'isha Waxaa la weydiiyey sidii Nebiga (scw) ahaa marka uu joogo aqalkiisa, waxayna tiri: "Wuxuu ahaa qof ka mid ah dadkiisa, wuxuu tolan jiray maradiisa, wuxuu maali jiray ridiisa, wuxuu xaaqi jiray aqalka, wuxuu kaalmeyn jiray xaaskiisa". Maalik wuxuu yiri: "Nebiga (scw) waxaan u adeegayey 10 sannadood, welina iguma oron Uf, Nebigu ma dhihi jirin arrin aan sameeyey maxaad u sameynsay, arrin aan ka tageyna maxaad u sameyn weyday ima uusan oran". Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa oo safar ah ayaa waxaa la gaaray waqtiga cuntada, waxayna go'aansadeen inay ri' qashaan, markaa ayaa saxaabadii midkood yiri: " waxaan gowracayaa rida", mid kalena wuxuu yiri: "waxaan ka saarayaa haragga", mid saddexaadna wuxuu yiri "anigana waxaan doonayaa qoryihii". Markaas ayaa saxaabadii ku yiraahdeen "Rasuulka Allow annagaa kaa kaafineyna, laakiin wuxuu ugu jawaabay "Waan ogahay inaad iga kaafineysaan, laakiin waxaan kahanayaa inaan idinka duwanaado, Rabbi wuxuu ku nacaa addoonkiisa inuu ka duwanaado addoomihiisa kale". Nebigena suuban wuxuu ahaa mid ka cabsada Alle, cibaadadiisuna badan tahay oo og inuu Rabbi daalacanayo, wuxuu u istaagayey habeenka Salaatu-Leyl ilaa ay caguhu ka bar bararaan, indhahiisuna la ilmeeyaan cabsida Alle dartii, haba sii bataane marka la gaaro Ramadaanka. Nebiga wuxuu ahaa mid daa'ima xuska Alle oo mar walba yiraahda "Bismillaah" marka uu cunayo, cabayo, marka uu istaagayo, marka uu wax sameynayo ama wax bilaabayo, wuxuu dhamaan oran jiray Nebiga (scw) "Bismillaah".

Ilays Newspaper kala soco mawduucyada diiniga ah. Haddii aad ku darsanyaso wixii talo ah ama mawduucyo diini ah kala soo xirii 612-276-2512

email: [email protected]

W argeyska Ilays

Cadadka:4aad July 23, 2003

/ Jamadul awal 1423

Bogga

5aad

.........Qiimaha Dumarka

....Kayimi bogga 4aad Markii Ilaahay Suurat Aala- Cimraan kaga hadlayey waxa naftu muhato wuxuu ku bilaabay haweenka wuxuu ku xijiyey ilamaha. Duulku hadday nolasha halkaas ka joogaan ayaa Islaamku arrintooda meel sare geeyey. Dadyoowga kale waxay xafitaan dheemanta, dahabka, jawaahirta sida Luulka, IWM. Laakiin Islaamka waxaa halkaas ujooga dumarka oo waad arkaysaa sida loo ilaaliyo. Markii khalwada laga hadlayo waxaa la dhahaa qof dumar ah meel hakula cidlaysan. Raggii dambiga waa kula jiraa laakiin dumarka qadarkooda ayaa kor loo qaaday. Safar ma gali karaan ayna la socon dad maxaarimtooda ah. Ogolaansho ehelkeed la'aantiis lama guursan karo. Maxaa sharaf Ilaahay siiyey hadday dumarku wax ku qaadanayaan. Xijaabka oo ah labis dumar. Hadda haweenay kasta markay xijaabka qaadato waxaa ka muuqda qurux xittaa haddaysan u dhalan. Waddamaadaan reer Galbeedka markay haweenka caddaanka ah ee soo muslima qaataan xijaabka ayaa la ogaaday in xijaabku dumarka qurux ku kordhiyo. Ninku markuu guursanayo khasab ma ahan inuu aabbihiis idin waydiisto ee idinka wuxuu ka rabaa gabadha uu guursanayo aabbaheed ama ehelkeed. Ragga waxaad mooddaa in la leeyahay is dabara laakiin dumarka arrintoodii waa la adkeeyey. Dumarka waxa lagu guursado diintu waa sheegtay. Waa midda dhiinta leh. Soomaalidu waxay tiraahdaa wiil maalin buu hiil kaaga baahanyahay waa maalinta aad hooyadiis guursanayso. Maxaa ka wanaagsan hadalkaas Soomaaliyeed ee aad mooddo in xaddiiskaas laga soo qaatay. Waxaad mooddaa in Soomaalidu leeyihiin haddaad rabto in ilmahaagu hagaagaan hooyadood ha ahaato haween fiican. U dardaarma dumarka kheyr. Waxaa weriyey Imaan At-Tirmidi iyo Ibnu Maajah. Imaam Muslim wuxuu ku wariyey xaddiiskii dheeraa ee Xajka ee Jaabir Binu Cabdillaahi, wuxuu Nabigu yiri uga baqa dumarka Allaah. Waa khudbadii Nabigu akhriyey Xajkii sagootinka ahaa. Qiimaha dumarka loo hayo iyo jacaylkooda ayaa fitno noqday. Xittaa hormarka salaadda haddayna sutro kuu oolin dumarku waxay ku jiraan waxa salaada gooya. Shaydaanka meeshuu ninka iyo guriga kasoo galo waa dumarka maxaa yeelay qiimahooda iyo culayska ay ku leeyihiin nolasha qoyska muslimka ah. Waatii aan dumarka wadnaha oo kale kusoo sheegay oo samaantooda iyo xumaantooda ay bulshada saamaynayaan. Marka waxa Islaamku kor u qaaday sha'nigooda si halkaas bulsho fayoow uga soo baxdo. Qur'aanku wuxuu sheegaa in dhagarta shaydaanku ay daciif tahay. Qofkii Ilaahay si fiican ucaabuda shaydaan wax kama qaado sida shaydaanka laftiisu qirtay markii Ilaah Qur'aanka nooga warramayo. Laakiin dhagarta dumarku waa mid wayn. Waxaan xasuusanaa qisadii Suurat Yuusuf. Waatii sidoo kale Xaddiiskii saxiixa ahaa markii Nabigu ku yiri haweenkiisii amra Abaa Bakar ha tujiyo dadkee. Markay hadalkii ku celcesheen waakii Nabigu (SCW) yiri waxaad tihiin saaxibadii Yuusuf (yacnii qisadii kala qabsatay Nabi Yuusuf iyo haweenkii). Dumarka Jannadu inyar bay u jirtaa haddii ka adkaadaan raaligelinta nimankooda, ilmihiisa iyo gurigiisa. Khasab kuma ahan inay salaadaha masaajida ku tukadaan oo ay qorrax iyo qaboow u maraan. Jihaadka markii la eego iyaga khasab kuma ahan ilaa xaalado yar maahee. Marka guriga laga reebo howsha badankeeda waxaa dhabarka loo saaray nimanka sida irsaaqada, waxbarashada, caafimaadka, tabobarka, IWM. Waxaa nasiib darro noqotay dumarkii Islaamku halkaas gaarsiiyey inaysan ka faa'iidaysan fursadaas waana tii uu Nabigu ku yiri xaddiis ay warshaan labada Sheekh iyo gayrkoodba. Dumaroow sadaqo la baxa waxaan arkay inaad ehlu naarka u badantihiine. Sababtaasi maahan in laga dalbay Jihaad, salaado badan iyo waxyaale kale laakiin waa naclada oo ay badiyaan iyo nimcada nimankooda oo ay qariyaan. Waxaan xasuusta dumar Soomaaliyeed oo carruurta ku leh "nacala abuuk" waa nacalad baa aabahaa ku taal oo Carabi la bahdilay ah. Markaas waxay la ahayd sida bax ama tag oo kale. Waxyaalaha kale oo ay sheegi jireena qof walba waa ogyahay. Kuwo kiriistaan ah iyo aniga oo ku kaftamayna qolol ay soo galaan dad kiristaan ah ayaa qof wuxuu i waydiiyey maxaa jannada waxa ragga helayo oo kaliya loogu sheegaa sida xuuralcaynta? Maa la sheego waxa dumarku leeyihiin? Waxaan tusay aayadaha ka hadlaya in ragga iyo dumarka muuminiinta ahiba ay wanaag halkaas ku leeyihiin. Waxaan xusay in ragga iyo dumarku howlaha kala leeyihiin. Waxaan xusay markii laga hadlayo xoog, dagaal, IMW waxaa la xusaa ragga laakiin markay noqoto qurux waxaa la xusaa dumarka. Waana arrin dabiici ah. Waxaad maqlaysaa miss world oo ah tartanka quruxda ee dumarka. Wali ma maqal wax qurux rag tartansiinaya maxaa yeelay maba aha shaqo raggeed. Xittaa dadka quraafada ku dheereeyaa waa ogyihiin arrintaas. Waxaan xasuusanaa inay sawiri jireen sawir ay leeyihiin waa buraaqadii Nabiga lagu qaaday habaynkii Israa' wal Micraaj" ka dhigeen xayawaan leh waji dumar oo qurux badan. Maxay waji nin uga dhigi waayeen? Qurux iyo nin maxaa isu keenay. Dadkaan aan muslimka ahayn iyo muslim badani waxay isticmaalaan ubaxa oo ay munaasabado kala duwan u isticmaalaan. Ka warran haddii haweenay ay saaxiibkeed u keento laan tiintiin ama qurac/xanan ah? Muxuu qofkaasi dareemi lahaa. Marka qurux markii laga hadlo waxaa leh dumar marka haddii Qur'aanku ka hadlo waxa fidrada ah oo muslim iyo gaalo wada fahmayaan maxaa la sheegi? Qolyihii kiristaanka ahaa way iska aamuseen. Haddaan Soomali nahay noo dhamaatay, dumarka waxaa laga rabaa inay Ilaahood usoo noqdaan oo dadkaan meesha ka qaadaan. Isla xaddiiskii aan kor ku xusnay wuxuu Nabigu (SCW) ku sheegay dumarkoo ragga ka diin iyo caqli yar in aysan jirin wax uga darran ninkastoo arrintiisa ka adag. Diin yaridu waa ka salaad yaryihiin oo waataysan tukan markay xaydhka qabaan. Caqli yariduna waa shahaadada labo haween ah oo udhiganta hal nin. Caa'isha waxay warinaysaa in mar niman xabashi ah ay masaajidka dhexdiisa ku ciyaarayeen warmo iyo wax la mid ah ay Nabiga (SCW) ka dalabtay inuu u habeeyo si ay u daawato. Kaddibna inta Nabigu (SCW) albaabkeeda soo istaagay ayey iyaduna garka saaratay garabkiisa iyadoo ka dambaysa. Cabbaar markay daawatay ayuu Nabigu (SCW) yiri soo ma dhamaysan markaasay tiri maya kaddibna Nabigu waa sugay. Caa'isho waxay tiri waan daalay ee waxaan rabay inaan dadka tusiyo booska aan Nabiga (SCW). ka joogo. Anigu waxaan aaminsanahay haddii dumarkeena Ilaahay noo islaaxiyo in ay Soomaalidu fiicnaan doonto. Dumar Soomaaliyeed ee qurbaha jooga iyagaa kaalinta koowaad ku jira markii ragga loo eego. Inkastooy jiraan rag badan oo howshooda ka soo baxay laakiin guud ahaan dumarkaa ku leh laakiin waxaan ka dhimanay xaggii akhlaaqda. Marka Ilaahoow dadka muslimiinta ah xafid.

Sidii aad ku Gaari Lahayd Jacaylka Allaah

waxaa qoray Faysal Mohamed Bulhan [email protected] Wuxuu yidhi SAWS " Addoonku wuxuu ugu dhow yahay Rabbigiisa markuu sujuudsan yahay, ee hadaba badiya ducada" (Muslim) Miyaad dooni inaad hesho ajarka Xajka? Wuxuu yidhi SAWS " Cumrad (la gutay ) Ramadaan waxay u dhigantaa Xajj, ama Xajj aniga la ila xajjiyay" Xadeeth la isku raacay Miyaad dooni in Allah uu daar kaaga dhiso Jannada? Wuxu yidhi SAWS " Qofkii Allah u dhisa Masjid, Allah wuxuu u dhisaa daar jannada gudaheeda ah" Muslim Miyaad dooni inaad gaadho raalli ahaashada Allah SWT? Wuxuu yidhi SAWS " Allah wuu ka raalli noqdaa addoonka mahada naqa markuu cuno cunnada , markuu cabo cabbitaankana mahad naqa" Muslim Miyaad dooni in Allah uu ducadaaada aqbalo? Wuxuu yidhi SAWS " Ducada lama soo celiyo inta u dhaxeysa aadaanka iyo iqaamada" Miyaad dooni in laguu qoro ajarka u dhigma inaad soontay sanad dhan? ka eeg bogga 12aad Raali ahaanshaha eebe....

W argeyska Ilays

Cadadka:4aad July 23, 2003 / Jamadul awal 1423

Bogga

6aad

Cudurka Jabtada(Gonorrhea)

Waxa uu yahay Cudurkani, Siyaabaha Loo kala Qaado, Ka hortagiisa

Waxaa qoray Faarax Ahmed Muuse Master of clinical Microbiology. University of karachi [email protected] Cudarka jabtadda ayaa safka hore kaga jira cudarada galmada lagu qaado (sexually transmitted disease) kaas oo khatar ba'an ku haya dadyow badan oo dunida ku nool haba ugu badnaadeen kuwa ku nool waddamada soboolka ah ee aan helin xanaaneyn iyo daryeel caafimaad oo ku filan . Sanadkii 2000 oo keliya wadanka Mareykanka dad gaaraya 3558,995 qof ayaa qaaday cudurka jabtadda , 75% oo dadkaa ka mid ahi waxa ay ahaayeen dad ay da'aadoodu u dhexayso 15 jir ilaa 29 jir, sidoo kale dhaqaalaha dowladu mareyku ku bixiso sanad walba xal u helida iyo xakameynta cudurka ayaa lagu qiyaasaa 1.1 bilyan oo doolar ($ 1.1 billion), mar hadii dowlada mareykanka oo aad moodo in ay ugu tug tug roontahay xanaaneynta , wacyigelinta,iyo ku dadaalida daryeelka caafimaad ee dadkeeda ay ku guul dareysatay in ay u hesho xakameyn rasmi ah faafida cudurka jabtadda maxaad ka filinaysaa wadamada saboolka ah ee Afrika ee walafka ku qaba (ku waalan) Galmada aan sharciga aheyn (Gogoldhaaf ama Sinno). Si aynu u ogaano ugana qaadano fikrad guud bal aynu eegno waxa uu yahay cudurka Jabtaddu, waxa sababa, calamaadaha lagu garto bukaha qaba cudurka jabtadda iyo waliba wadooyinka ku haboon ee looga hortegi karo Faafida cudurkan. Cudurka jabtaddu waxa uu ka mid yahay cudarada la daaweyn karo ee Galmada lagu kala qaado (Curable sexually transmitted disease), cudurkan waxaa sababa bakteeritada loo yaqaabn Neisseria gonorrhoeae, bakteeriyadan ayaa awood u leh in ay qabsato kuna taranto xuubka gudaha kaga dahaaran habdhiska taranka ee labka iyo dhediga (mucasal surface of genital tract) gaar ahaan dakarka (guska) iyo farjiga (siilka) ka dib marka uu qofku la sameyo galmo buke qaba cudurka jabtadda, qabsashada iyo taranka bakteeriyadan ee gudaha habdhiska taranka ee labka iyo dhediga ayaa sababa caabuq (Inflammation) iyo hurgun (Infection) ku yimaada gudaha dakarka raga iyo farjiga dumarka. Caabuqan iyo hurgunka ayaan hadii aan durbaba lala gaadhin daaweynta ku haboon ku faafa xubnaha kale ee habdhiska taranka sida Rixinka (uterus), ugxansidayaasha (fallopian tubes), iyo gudaha saabka (endocervix) ee dumarka, sababana jirada loo yaqaan Pelvic inflammatory disease (PID) oo ah caabuq ku dhaca hubnahaa aan soo sheegnay ee habdhiska taranka haweenka, kaasoo inta badana u keena dhalmo la'aan (madhaleysnimo) boqolkiiba toban ( 10%) dumarka caabuqan oo kale qaba. Inta badan caabuqa (inflammation) iyo hurgunka (Infection) raga ku dhaca ayaa ah mid ku eg kaadi mareenka ( gudaha dakarka). Mararka qaar ayaa waxaa dhacda in ay bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae ka talaabto xuubka ku dahaaran habdhiska taranka oo ay raacdo dhiiga (bacteremia), calaamadaha lagu arko bukaha xalaadan oo kale gaara ayaa waxaa ka mid ah 1)- Qandho (fever) 2)- xanuun badan oo guurguura lagana dareemo kala goysyada (migratory polyarthalgia) 3)- dhibco cas-cas (petechal) iyo nabaro yar yar oo makhaarka ka soo yaaca ( Mucula papular or pustular rash), hurgunka noocan oo kale ee bakteeriyadu raacdo dhiiga ayaa waxaa loo yaqaan Disseminated Gonoccal Infection (DGI). Waxaa la arkaa in aad is weydiiso cudurka jabtaddu dhibaato ma u keeni karaa ilmaha ay dhasho hooyo cudurkan qabtaa? Jawaabtu waa HAA!, maxaa yeelay hooyada cudurka jabtada qabtaa waxa ay u gudbin kartaa ilmaheeda bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae xiliga dhalmada taas oo u keeni karta ilmaha indho la'aan (ophthalmia neonatorium), hurgun kalagoysyada ilmaha kaga dhaca ( joint infection), iyo bacteeriyadan oo dhiiga ilmaha raacda sababtana inta badan dhimasho ( life-threating blood infection). Inta badan faafida cudurka jabtada waxaa ka qeyb qaata dumarka marka la barbar dhigo raga , maxaa yeelay konton boqolkiiba (50%) oo dumarka cudurkan qabaayi ma muujiyaan wax calaamado cudur ah (Asymptomatic patient) balse si fiican ayay ugu gudbin karaan qofkii galmo la sameya, meesha ay 95% ragu ay muujiyaan calaamado cudur. Sidoo kale waxaa cudurkani ku badan yahay dadka isugu galmooda qabaabka sharciga iyo dhaqanka wanaagsan ka fog sida gadaal (dabada) ama horey (afka) oo la isaga galmoodo (oral and rectal intercourse). Su'aasha kale ee is weydiinta mudan ayaa waxay tahay hurgunka (infection) ay keento bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae ma mid ku eg baa habdhiska taranka iyo meelaha kale ee dadka falfalka xumi isaga tagaan oo keliyaa ? jawaabtu waa MAYA!, maxaa yeelay bakteeriyadan ayaa caabuq iyo hurgunba ku keeni karta xubna badan oo jirka ka mid ah hadii ay taabato, qabsato kuna taranto, tusaale ahaan hadii bukaha cudurka jabtadda qabaaye uu caado ka dhigto in uu gacmaha ku taabtaabto hubanaha habdhiska taranka jirkiisa ee hurgunka la il daran oo uusan isticmaalin wax dheterjenti ah (saabuun, alkohool ama dhitool) waxaa dhacda in bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae ay hurgun ku keento gacmihiisa iyo waliba xubnaha kale ee jirkiisa e uu gacantiisa wasakheysan ku taabtay sida indhaha, afka IWM. Sidoo kale waxaa la mid ah qofka u isticmaala farahiisa (fareya) haweenay qafta cudurka Jabtadda. arko ayaa dhab ahaantii kala duwan. Calaamadaha Dumarka:1)- xanuun ama gubasho la dareemo xiliyada kaadida (pain or burning when urinating) 2)- dheecaan ka yimaado farjiga kaas oo ah cagaar marmarna u eg dhiig-dhiig. 3) dhiig yimaada xiliyada caadada dhexdooda ( bleeding between menstrual period) 4)- xanuun la dareemo xiliyada Galmada 5)- qaarka danbe oo xanuuna ( lower abdominal pain) Calaamadaha Raga:1)- cuncun iyo xanuun laga dareemo gudaha dekarka. 2)- kaadida oo lagu dhibtoodo (difficult Urinnation) 3)- malax leh xanuun oo ka timaada dekarka. 4)- madax xanuun iyo qandho la dareemo marmar.

KA HORTAGA FAAFIDA CUDURKA JABTADDA:Cudurkan waxaa looga hortigi karaa oo keliya qofka oo ku ekaadaa gogoshiisa (xaaskiisa) aana sameyn wax gogol dhaaf ah (sino), halkaas waxaad ka garan kartaa macanaha balaaran ee ay xanbaarsantahay xaaraantimeynta ay diinta Islaama ee sharafta badani xaaraantimeysay sinada, waxyaabo badan oo waxaa jira ay gaaladu sheegaan in looga hortigi karo cudurka jabtadda balse waa wax ay iyaguba ka caalwaayeen oo in aan sheegnaa aysan waxba nagala maqneyn, isku soo duuduuboo xalka keliya ee looga hortegi karo faafida cudurkan waa KU EKOW GOGOSHAADA KANA FOGOW SINADA.

BAARISTA CUDURKA JABTADDA:Si loo xaqiijiyo cudurka bukaha hayaa in uu yahay cudurka jabtadda iyo in kale ayay xarumaha baarista cuduradu u adeegsadaan sadex dariiqo midood baarista cudurka jabtadda. 1)- In si toos ah loo adgeesado sheybaare (microscopy) iyada oo la adeegsanayo dheecaan aan badneyn oo bukaha laga soo qaaday, slides (quraarado yar yar oo loo adeegsado sheybaaraha), ranjiyo iyo midabo (stain and dyes) ku haboon , taas oo fududeynaysa in si fudud loo arko muqaalka iyo qaabka bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae . 2)- In laga baaro hiddaha (DNA) bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae kaadida bukaha, taas oo u baahan in la isticmaalo qalab casri ah sida midka loo yaqaan polymerase chain reaction (PCR). 3)- In la abuuro (culture) bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae iyada oo la isticmaalayo dheecaan laga soo qaaday bukaga cudurka qaba si loo helo xadi bakteeriyadan ah oo si fudud loo baari karo, abuuristan oo u baahan in loo dhameystiro nafaqooyinka iyo macdanaha (nutrients and minerals) ku haboon koritaanka bakteeriyada Neisseria gonorrhoeae. eeg bogga 7aad... Cudurka jabtada......

CALAAMADAHA CUDURKA JABTADDA:Calaamadaha u horeya ee lagu arko bukaha cudurka jabtadda qaba ayaa ah kuwa dhexdhexaad ah , inta badana calaamadahaasi waxa ay soo muuqdaan labo ilaa toban casho gudahood ka dib marka uu qofku galmo la sameyo buke cudurka qaba. Calaamadaha Dumarka iyo kuwa raga lagu

W argeyska Ilays

Cudurka Sonkorowga (Diabetes)

(tissues), xubna badan (organs) oo jirka ka mid ahi sonkorta ka nuugaan dhiiga . 2)- In sonkor badan (glucose) si deg-deg ah loogu bedelo tamar geydsan (glycogen), taas oo uu jirku dib u isticmaalo xiliyada gaajada amaba xiliyada ay sonkorta dhiigu ay hoos u kacdo. 3- In hoos loo dhigo burburinta Kaarboonhaydarayada (cuntooyinka sonkorta leh sida Macmacaanada,Bariiska, Baastada iyo IWM) si aan sonkor badan oo kale jirka loogu soo darin. Intaas oo shaqo ah marka uu hormoonka insuliinku qabto ayaa waxaa dhacda in sonkortii dhiiga la socotay ay ku soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa, unugyada ganacuna hakiyaan soodeyntii hormoonka Insuliinka. Hadaba khalal ku yimaada soo deynta hormoonka insuliinka amaba carqaladeyn ku timaada hanaanka shaqadiisa ayaa waxay sababtaa sonkorta dhiiga oo kor u kacda (hyperglycemia) ama hoos u dhacda (Hypoglycemia) taas oo inta badan aasaas u ah waxa loo yaqaan cudurka sonkorowga (Diabetes mellitus). Intaas hadii aan ku dhaafno qaabka loo xakameyosonkorta jirka qofka caafimaad qaba, aan u soo noqono maxaa keena in sonkorta qofka cudurka sonkorta qabaa ay inta badan ka sareyso xadigeedii caadiga ahaa ee loo baahnaa in uu dhiiga la socdo.

Cadadka:4aad July 23, 2003

/ Jamadul awal 1423

Bogga

7aad

Waxaa qoray Faarax Ahmed Muuse Master of clinical Microbiology. University of karachi [email protected] Cudurka sonkorowga ayay dad badan oo dunida guudkeeda ku nooli ka sheeganayaan, waayadan danbena tirada soomaalida sonkorta qabta ayaa sii kordheysa sanadba sanadka ka danbeya. Fikrada ay dad badani ka heystaan waxa uu yahay cudurka sonkorowga ayaad moodaa in ay wax badani ka qaldan yihiin,hadaba qoraalkeygan ayaan doonayaa in aan wax kaga iraahdo waxa uu yahay cudurka sonkorowgu, waxa keena, inta qeybood oo uu qeybsamo,Calaamdaha uu caanka ku yahay iyo waxyaabo kale oo badan, waxaana isku dayi doonaa in aan usoo bandhigo si fudud oo qof walbi u fahmi karo. Cudurka sonkorowga ayaa ka dhasha khalal ku yimaada qaabka uu jirku u burburiyo ama u sameysto nafaqooyinka uu u baahan yahay ( Metabolic disorder) taas oo ugu danbeyntii sababta in xadiga sonkorta ee dhiiga la socdaa kor u kaco (hyperglycemia) ama hoos u dhaco (hypoglycemia) kor u kacaas ama hoos u dhacaas oo ku xiran hadba nooca khalalka ah ee jirka ku dhaca,waxaana uga hadli doonaa si faahfaahsan.

Maxaa sababa cudurka sonkorowga (diabetes mellitus).

Sidii aan hore u soo sheegnay sonkorta jirka ayaa waxaa xakameya oo ku ilaaliya inaysan dhaafin ama hoos uga dhicin xadigeedii caadiga ahaa hormoonada kala ah Insuliin iyo kulukogon (glucogon), hadaba khalal ku yimaada sameynta, soodeynta, iyo hanaanka shaqada ee hormoonadan ayaa aasaasi u ah cudurka sonkorowga, khalaalkaasi waxa uu ahaan karaa. 1. howl gab ku yimaada unugyada ganaca ee loo yaqaan beta cells kuwaas oo soo daaya hormoonka insuliinka, howl gabkaas oo sababa in aan wax insulin ah aan la soo deyn ka dibna sonkortii jirka ay kor u kacdo maadama uusan jirin hormoonkii xakameyn lahaa, sonkorowga noocan oo kale ah ayaa waxaa loo yaqaan Nooca kowaad ee cudurka sonkorowga ( Type I diabetes) bukaha sonkorta noocan oo kale ah qabaa waxaa u baahan in si joogta ah loogu turqo hormoonka Insuliinka. 2. unugyada jirka ee u qeybsan in ay qaabilaan (receptor cells) hormoonka insuliinka oo howshoodii qaabilitaanku hoos u dhacdo, sababana carqaladeyn ku timaado howshii hormoonka insuliinka , taas oo keenta xadigii sonkorta dhiiga oo kor u kacda , sonkorowga noocan oo kale ah ayaa waxaa loo yaqaan Nooca labaad ee cudurka sonkorowga (Type II diabetes), sonkorowga noocan oo kale ah ayaa inta badan ka sahlan midkii aan hore u soo sheegnay inta badana ku dhaca dadka da'doodu ka weyn tahay Afartan jir iyo dadka aadka u buurbuuran (Obesity), bukaha qaba nooca labaad ee sonkorowgu uma baahna in lagu turqo hormoonka insuliinka, hanaanka loo maamulo bukaha sonkorowa noocan oo kale ah qabana dib ayaan uga hadli doonaa . ogow in cudurka sonkorowgu uu ka mid yahay cudarada la is dhacal siiyo oo lagu qaado hidaha. eeg bogga 10aad..................

Mar hadii ay shaqada insuliinku sidaa tahay waa maxay shaqada hormoonka kuluukagon (glucugon)? Xiliga uu qofku gaajeysan yahay amaba uusan qaadan wax cunto ah oo sonkor leh ayaa waxaa hoos u dhaca sonkorta dhiiga, marka si sonkorta loogu soo celiyo xadigeedii caadiga ahaa ayaa waxaa la cariyaa unugyada ganaca ee loo yaqaan Alpha cells kuwaas oo bilaaba in ay soo daayaan hormoonka kuulukSonkorta ayaa ah isha ugu wanaagsan ee uu jirka aadanuhu tamarta ka sameysto, waxaa jira agon, islamarkiiba hormoonkani waxa uu qabtaa howlahan. 1)- sonkortii keydsaneyd (glyconoocyo fara badan oo sonkor ah balse mida gen) ee jirka ayuu u bedelaa sonkorta loo ugu badan oo uu jirku isticmaalaa waa mida loo yaqaan kuluukoos (glucose), xubnaha istic- yaqaan kuluukoos (glucose) taas oo keenta in sonkortii dhiiga la socotay kor u kacdo ilaa ay maala sonkorta ugu badan ayaa waxa ka mid ka gaadho xadigii caadiga ahaa. 2)- Waxa uu ah 1) Maskaxda 2) Murugyada 3) Habdhiska cariyaa in Duxda (lipids) iyo borotiinkii (prolafaha (skeleton system) iyo xubna kale oo teins) loo bedelo sonkor (glucose) taasina waxa muhiin ah, xadiga caadiga ah ee sonkor ah oo ay dhacdaa xiliga macaluusha ama gaajada dhiiga qofka caafimaadka qaba la socda ayaa siyaadada ah waqtigaas oo sonkortii keydah 80 ilaa 110 milligram oo sonkor ah 100-kii saneyd ee jirka loo isticmaalay tamar ahaan, u mililitir oo dhiig ahba (80-110mg/dl). Maalin walba waxaan isticmaalnaa xadi sonkor bedelida duxda iyo borotiinka loo bedelaa sonkor (Glucose) waxa ay kor u qaadaa sonkoah oo badan, hadaba suaasha meesha taal ayaa rtii dhiiga ee hoos u dhacday. Mar hadii ay ah xagee ayay aaday sonkortii badneyd ee aan sonkortii dhiigu (blood Glucose level) ay ku isticmaanay? maxaase maamula in aysan sonkorta qofka aan cudurka sonkorowga qabani soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa unugyada xadigeedii caadiga ahaa aysan ka badan ?. wax- Alpha cells ee ganacu waxay ay hakiyaan soo deyntii hormoonka kuulukogon (glucugon). aynu wada ognahay in falgal kasta iyo shaqo kasta oo jirka aadanaha ka dhaca uu RABI ugu talagalay qaab loo maamulo, hadaba isticmaalka, keydinta, iyo sameysiga sonkorta ee jirka waxaa maamula laba hormoon oo laga soo daayo unugyada ganaca (pancreas cells) Kayimid bogga 6aad kuwaas oo kala ah 1) Insulin oo laga soo daayo unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta cells. 2) DAAWEYTA CUDURKA Kuluukagon (glucagon) oo isna laga soo daayo JABTADDA:Unugyada loo yaqaan Alpha cells ee Ganaca. Inta badan takhaatiirtu waxa ay u qoraan bukaha cudurka jabtada qaba mid ka mid ah Shaqooyinka ay qabtaan labadan hormoon ayaa daawooyinkan (antibiotics). ah kuwa liddi isku ah waayo hormoonka 1- Cefriaxone insulin waxa uu hoos u dhigaa xadiga sonkorta 2- Ciprofloxacin ee dhiiga la socota marka ay dhaafto xadigeedii 3- Cefixine caadiga ahaa, su'aasha is weydiinta mudan ayaa 4- Ofloxacin ah sidee buu hormoonkani hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga? Mar alaale iyo markii ay 5- Levofloxacin Hadii uu bukaha cudurka qabaa uu yahay sonkorta dhiigu (blood glucose level) dhaafto haweeney uur leh ama qof da'diisu ka yar xadigii caadiga ahaa ayaa waxaa la carriyaa unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta cells in ay tahay 18 sano looma ogola in uu isticmaalo daawooyinka Ciprofloxacin iyo Ofloxacin. soo daayaan hormoonka insulin kaas oo durbadiiba qabta ama fududeya shaqooyinkan soo socda. 1)- In ay unugyo badan (cells), nudayaal

Cudurka Jabtada

GABAGABO:Inta badan cudarada lagu kala qaado galmado oo aan jeclahay in aan qaar badan oo ka mid ah aan ku soo qaado qoraaladeyda soo socda INSHA ALLAAH ayaa ah ku ay aasaas u tahay gogol dhaafku (sinadu), marka qof kasta oo muslim ah waa la gudboon in uu ahaado mid ku socda tilmaamaha wanaagsan iyo amarada ay diinta islaamku na fareyso, tusaale ahaan waxa kuugu filan kharash kaga baxa reer galbeedka (gaalada) iyo kadeedka ka heysta xal u helida cudurada Galmada lagu kala qaado iyada oo ay diinta Islaamku ku xakameysay hal Aayad oo keliya (HA U DHOWAANINA SINADA ) suuratu Israa aayada 32.

Wargeyska Ilays

Cadadka: 4aad July 23, 2003 / Jamadul awal 1423

Bogga 8aad

Cedar Somali Learning Center

Madoonaysaa in aqoonta ilmahagu ay kororto, lagana aqbalo jaamacadaha iyo kuliyadaha waawayn ee caanka ah. keenso cunugaa ceder somali learning center

Ardayda wax ka barata cedar center marka ay ka qalin jabiyeen dugsiyada waxay heleen deeqo waxbarasho "Scholarship". Ardayda hadda ku jirta dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee lagu caawiyo Ceder Leaning center macalimiintoodu aad iyo aad ayay u amaaneen

Ardadii hore ee dib u habeeyey waxbarashadooda waxay ceder somali learning ka faaiidaysteen waxyaalo badan, waxay ku guulaysteen imtixaanada "Act", "Sat" ama "GED". Ardayda markii hore imtixaanada keeni jiray "D" ama "C" markii ay la soo xiriireen Ceder Somali Learning Center, waxay hadda helaan"A" Wixii faah-faahin Dheeraad ah kala xiriir maamulka Tel: (612)990-6074 408 Cedar Ave S #4B Minneapolis, Mn 55454

Immigration & Translating Services and Community Recources center

Immigration & Translating Service Waa xafiis kaa caawinaya dhamaan hawlaha aad uga baahan tahay Waaxda socdaalka (Immigration). Waxaana kuu adeegayaa shaqaale tababaran oo aqoon u leh la xiriirka xafiisyada immagrashinada.

Muxuu kuu qabanayaa xafiisku

Xafiisku wuxuu qabtaa:

-All Immigration Service -All Applications for citizenship, Green Card, Travel Document, Work permit etc. - Sponsorship/Assylum Assistance. - Visas/Passports & Passport Photo's. - Notary Public. - Translating Services. - Affidavit of Support/Personal Referance. - Letter writing/professional Resume etc.. - Fax and Photocopy Service. - Business card

Xafiisku wuxuu ku yaal xaafadda Ceder, maqaayadda Saxaara korkeeda, wuxuuna kuu ballan qaadayaa adeeg deg-deg ah kalsooni, waxqabad waxtar leh iyo khidmad iyo qiimo macquul ah. Haddaba la xiriir maamulka xafiiska. Tel/Fax: 612-343-3348 Center Director: cell: 952-457-3722 Office Hours 408 Ceder Ave s #4 Abdallah Warsame 9:00 AM to 8:00 Pm Mineapolis Mn 55454

W argeyska Ilays

Cadadka:4aad July 23, 2003 / Jamadul awal 1423 Bishaaro Bishaaro Waa Dry-cleaner cusub, xaafadda Ceder makhaayadda saxaara korkeeda la xiriir C/risaaq Abshir 612-375-9100

Bogga

9naad

Waxaa dadwaynaha ku dhaqan magaalooyinka mataanaha iyo nawaaxigooda lagu wargalinayaa la furay Dry-cleaner .

waxaad ka heli kartaa soo dhowayn wacan iyo qiimo jaban

Xawilaadda Hilaac Ku dirso lacagtaada amaano degdeg ah.

la xiriir maamulka: cabdikaafi c/laahi Tel:612-375-9100 Fax:612-338-5233 408 Ceder Ave S. Suite#2 Minneapolis, MN 55454 Makhaayadda Saxaara korkeeda.

Somali Yellow page

1806 Riverside Ave Suite#3 Minneapolis, MN 55454

Waxaad ka dhegaysan kartaa dhamaan idaacadaha Soomaaliya iyo Idaacadda BBC-da, laanta afsoomaliga.

24 Saac/Maalin kasta

ka dhagayso Tafsiirka cumar faaruuq maalin kasta oo sabti ah saacadu markay tahay 11:00am (waa lacag la'an)

Waxaad bixinaysaa lacag dhan $50 oo kali ah / sanadkiiba Waxa kale oo aad Somali Yellow Page ka heli kartaa mawduucyo la xiriira diinta islaamka sida: Muxaadrooyin, Tafsiir, iwm. Mawduucyada diiniga ah waxaad ku dhegaysan kartaa bilaash (lacag la'aan). Hadii aad qabto su'aal diini ah waxaad ku dhaafi kartaa isla idaacada, marka aad dhegaysanaysid. Waxaa kuu soo jawaabidoona Shiikh Cabdiraxman Sh. Cumar. Haddaba haddii aad rabto in aad xubin ka noqota waxaad wacdaa Maamulka

Qoorsheel Tel: 250-4265

W argeyska Ilays

Cadadka:4aad July23, 2003 / Jamadul awal 1423

Bogga

10naad

Muuqaalka Jannada kaalay ila arag

waxaa qoray Faysal Mohamed Bulhan [email protected] Sidaan wada maqallay, Jannadu waa meel aad u cajiib ah, oo Allah iyo Nabiggiisu ay aad noogo sifeeyeen, maanta bal isla fiirinno, Jannada sifaadkeeda iyo quruxdeeda: Waxaan meeshaan ku soo koobeynaa macnaha xadiithyaal iyo aayad ka hadlay Jannada, Allaha naga yeelo ahalkeedee. amin Magacyada Webiyaasha Jannada Jannadu wexey leedahay webiyaal iyo ilo (lakes) oo ka soo wada burqada afarta webi ee ka yimaada Firdows Al aclaa, waxaana ku soo arooray magacyadooda Quraanka waxaana ka mid ah: 1. Webiga Al Kawthar, waana webiga Jannada oo la siiyey Rasuulka Allah SAWS oo ay ka cabayaan Muslimiintu, maalinka xisaabta qiyaamaha, ooy kabban doonaan, kabbasho ayan dabadeed oomi doonin mahada Allah darteed, waxuuna Rasuulku SAWS ku shhegay webigaas in xeebtiisa ay ka sameysan tahay luulka qolofkiisa, ( Pearl Shells), carradiisuna ay tahay Misk, biyahiisana ay ka ka cadyihiin barafka ( snow), kana macaan yihiin sokorta, weealashiisana ay yihiin dahab iyo qalin. allah u dhameystiray, qurux iyo dhallinyaranimo, oonan dhimanin, oonan hurdin. wa bilaahi tawfiiq

Sonkorowga

......ka yimid bogga 7aad

Calaamadaha uu caanka ku yahay cudurka sonkorowgu.

Furaha ( miftaaxa) Jannada

Furaha Jannada waa ( user name) " Laa ilaaha ilal Allah, Muxammadun Rasuulullah" Furaha Jannada ( Password) waa " camalka saalixa ah oo la sameeyo, qofkaan camal saalixa ah sameysan, muftaaxa jannada uma furo. Qofka ugu hor galaya Jannada Rasuulka Allah , Muxammad SAWS, kadib markuu us shafeeco muminiinta.

Ilaha Jannnada ( Lakes)

1. Isha Tasniim Waa wax ay cabaan reer jannada waxa ugu sharafka badan jannada oo ka sameysan raxiiq al makhtum ( Ubaxa carfaya) ooy cabaan kuwa Allah uu soo dhoweeyey, waxaana loogo daraa Misk kuwa loo yaqaan asxaabul yamiin, waana meesha Allah dadka faray iney u baratammaan 2. Isha Salsabiil Waxaan leh ahlul Yamiin, waana cabitaan lagu daray Zanjabiil. 3. Isha, Mizaajkeedu yahay Kaafuur Waxaan leh Abraarta, waan cabitaan aan lagu sakhraamin, oon lagu madax wareerin ( Hang Over) oon caqliga qaadin, oo qofka caba ka farxisa farax badan ( Natural High) oonan ayadoo kale dunida oollin. Waxaana jooga wiilal mukhalladuun oo u eg luul la daadiyay, oo ku la wareegaya koobab dahab iyo qalin ah.

Albaabada jannada

Albaabyada Jannada Waa siddeed Albaabka Muxammad SAWS, oo la yidhaah albaabka tawbada Albaabka Soonka, oo la yidhaah, albaabka Rayaan Albaabka Sakada Albaabka Sadaqada Albaabka Xajka iyo Cumrada Albaabka Jihaadka Albaabka xudhiidhinta ( waalidka, qaraabada iyo wuxuu Allah faray in la xadhiidhsho)

Darajooyinka Jannada, iyo qolalkeeda

Jannadu waa darajooyin, waxaa ugu sarreetsa, Al Firdows Al Aclaa. wexeyna ku hoostaalla carshiga Raxmaanka Caza wa Jalla, oo ay ka soo burqadaan wabiyaasha jannada ee afarta waaweyn ah. 1. Wabiga Caanaha 2. Wabiga Malabka 3. Wabiga Khamriga 4. Wabiga Biyaha Maqaamyada Jannada Firdowska Firdouwska dhexdeeda waxaa ugu sarreysa Maqaamka la yidhaah ( Al Wasiilah) oo ah maqaamka Rasuulka SAWS, qofkii u barya allah Rasuulka SAWS in maqaamkaas la gaadhsiiyo, wuxuu xaq u yeeshaa in Rasuulku SAWS uu u shafaaco qaado maalinka qiyaamaha. Waxaa ku xiga qolalka ahlul Cilliyiin, oo ah daaro isdulsaaran, oo ka sameysan jawahirta qurxan oo qaaliga ah iyo dhagaxda ( Gems) oy hoostooda wabiyaashu durdurayaan. Maqaamkanna waxaa leh Nabiyaasha, Shuhadada, kuwa Dhibka iy cudurrada ku sabra, iyo kuwa isku jecel Allah dartiis. Waxaa kaloo ku yaalla Jannada qolal ka sameysan jawaahir sida quraaradaha ( dhaloodhinka) ( Transparent) oo la iska dhex arko. Jannadaas waxaa leh 1. Qofkii hadal qurxan ku hadla 2. Masaakiinta cunnada ku sadaqeysta 3. Saqbadhkiina, markey dadka seexdaanna, u istaaga cibaabada Allah jeceyl awgiis. Waxaa markaas soo hadhay darajooyinka boqolka ah oo dadka inta soo hadhay loo kala qaybiyo, qofwalba iyo wuxuu shaqeystay intuu noolaa. Waxaana ugu liita darajada qof leh hantida iyo maalka toban oo boqorrada aduunka ugu taajirsan

Cunnada Ahlul Jannada

1. Hilib, hilib shimbiraha, faakihada, iyo wax walboy naftoodu tabto.

Geedaha Jannada

Waa geedo tiirkoodu ( stem) ka sameysan yahay dahab, caleentooduna dhagaxda Zummurrudka qaaliga ah oo cagaaran, iyo jawahir. 1. Geedka Duubaa Wuxuu sheegay Rasuulku SAWS inuu geedkaas u egyahay geedka qumbaha, aadna u ballaadhan yahay, oo ay midhihiisu ka soo dhex baxaan dharka reer Jannada ay xidhaan, midho walbana ay ka sameysmato todobaatan dhar la xidho, mdabo qurxan ooayan arkin rer adduunka 2. Sidratul Muntahaa Waa geed weyn oo ku hoos yaal carshiga Raxmaanka hoostiisa, oo xidikiisu ka soo burqadaan afata webi, waxaan ku dheehan Nuurka Allah SWT Midha Jannada 1. Al Tiin 2. canabka 3. Timirta 4. Gobka iyo wax walboo Allah ku uumay dunida oo midha ah iyo waxan la oqoon oo cusub

Sifada Reer Jannaadka

1. Ragga Reer Jannadka Waxaa Alla soo saardi doonaa ragga reee jannadka ah ayagoo u eg aabbahaood Adam, ayafgoo qaawan, oo qurxoon oo indho kuulan oo cumrigoodana yahay 33 sano jir. Ayagoo leh quruxda Nabi Yusuf, qalbiga Ayyuub, iyo carrabka Nabi Muxammad SAWS. Ayagoo

Calaamadaha in badan lagu arko bukaha sonkorowga qaba ayaa waxaa ka mid ah. o Kaadi macaan (glucosuria) o Kaadi badan oo xadhaaf, qofka oo labadii saacba mar kaadsha (Polyuria) o Haraad fara badan (Polydipsia) o Gaajo fara badan (ployphagia) o Miisaanka qofka oo hoos u dhaca ( weight loss) o Hamiga galmada ee raga oo hoos u dhaca (impotence) o Daal (fatigue) o Qaleyl ama cuncun jirka ah ( dry or itchy skin) o Aragtida oo shucaac ama ciiro gasho (blurry vision) o Afka oo qalala (dry mounth). Xakameynta sonkorta bukaha cudurka sonkorowga qaba. Sidii aan horeba u soo sheegnay cudurka sonkorowga (diabetes mellitus) waxaa uu u qeysamaa laba qeybood oo Kala ah 1) Nooca kowaad ee sonkorowga ( type I diabetes mellitus) 2) Nooca labaad ee sonkorowga ( type II diabetes mellitus). Xakameynta sonkorta bukaha sonkorowga qabaana waxa ay ku xiran tahay hadba nooca sonkorowga ee uu qabo tusaale ahaan bukaha qaba nooca kowaad ee sonkorowgu waxaa uu u baahan in si joogta ah loogu turqo hormoonka insuliinka si loo xakamey sonkorta jirkiisa, ku turqida hormoonkan ayaana iyana u baahan in la isticmaalo xadi go'an oo uu dakhtar qeexay sidoo kale bukuhu sonkorowga noocan oo kale qabaa waa in uu ka fogaadaa isticmaalka sonkorta iyo cuntooyinka sonkorta leh. Waxaa iyadu in badan fudud xakameynta sonkorta bukaha nooca labaad ee sonkorowga qaba maxaa yeelay bukaha Sonkorowga noocan oo kale ah qabaa uma baahna in lagu turqo hormoonka insuliinka ee waxaa sonkortiisa lagu ilaalin karaa iyada oo la xakameyo cuntooyinka uu isticmaalayo, in uu sameyo orod iyo socod (fiyaato), in uu si joogta ah ula socdo xadiga sonkortiisu mareyso maalin walba waxaa jira dawooyin ka qeyb qaata hoos u dhigata sonkorta bukaha Sonkorowga noocan oo kale ah qaba , daawooyinkaasna waxaa lama huraan ah in uu takhtar qoraa oo xadidaa xadigu uu bukuhu isticmaali karo. Mowduucan oo runtii ah mowduuc aad u balaaran aana lagu soo koobi Karin hal qoraal iyo wax la mid ah waayo waxaa jira noocyo kale oo cudurka sonkorowga ka mid ah oo aanan qoraalkan uga hadlin sababa jira owgood, si kastaba xaaladu ha ahaatee waxaan rajaynayaa in qofkii aqriyaa qoraalkan uu ka heli doono fikrad kooban oo ku saabasan waxa uu yahay cudurka sonkorowgu.

Wargayska Ilays

Cadadka 4aad

July 23, 2003 / Jamadul awal 1423

Bogga 11aad

sida gabdhaha loo meheriyo

waxaa qoray; Osman bilaad; [email protected] Waxaa waajib ah gabadha marka la bixinaayo oo la mehrinaayo waa in laga idan dalbaa, hadaysan idmin oo ayna ogolaana meherkeeda ma ansaxaayo. Labo mas'alaba waxay noqdeen kuwa lagu qaldanyahay oo aan diinta meel uga jirin. 1) Waa in gabadha lala cararo, ama la iska guursadoo lama saafaysto. 2) Iyo in gabadha aabeheed xoogaa lacag ah jeebka ku shubto oo ninkuu rabo siiyo. Ninka lasiinayana oo uuna salaada tukan gabadhana ay salaada tukato, oo ayna raali aysan ka aheyn ninka la siinayo. Dhibaatada taagan waa labadaa. Labada noocna nikaaxooda ma ansaxaayo. Waajib waaye gabadha in laga idan dalbo, waayo Rasuulka SCW wuxuu xadiis saxiixa ku yiri: "Gabadha garoobkaa lama guurin karo ilaa ay ogolaato, gabadha bikradaana lama guurin karo ilaa ay idanto, markaasaa waxaa Rasuulka SCW la weydiiyey sidee ayey u idmeysaa? Wuxuu yiri Rasuulka SCW: haddey aamusto." Macnaha waxaa loola jeedaa haweenta hadii la soo furay carabkeeda inay ku cadeyso in laguuriyo ma'ahane lama guurin karo, oo nin laguma mehrin karo. Dad baa u fahmey islaanta garoobka ah waa la iska mehersan karaa. Yacni Garoobka waa ka badalantahay kuwa kale. Walaalayaal xadiiska fahma oo diinta yeyna idin ku saxan. Waxaa xadiiska loola jeedaa haweenta haddii la soo furay carabka inay ku cadeyso "ninkaa hala I siiyo maahane" lama siin karo, laakiin gabadha yar oo wali aan la soo guursan, gabadhaas idankeedu waa inay aamusto. "Ninka ma ku siiyaa maandhey" ayuu aabeheed yiri? Way qososhay, ama way hadli waysay, inay ninka raali ka tahay ayaa qosolkaa laga garanayaa, hadayba qosol keento meesha. Laakiin haday oyso lama siin karo ninka ma doonayso, saasa laga garanayaa. Mida kale xadi- eegaa. Mida kale labada is saxiix ah ayaa ku soo qofood waa inay xaga arooray: "Dumarka markaa da?da iskeeni karaan, maabixinaysaan, haweenta han gabar 15tan jirta ah in ayadaa jirkeeda leh jirkee- la siiyo oday 50-ton jir ah. da ka idan dalba oo waydi- Looma baahna inaa sidaa ista." lagu dhaqaaqo, Mida kale Gabadha waayo dhibbaa haweenka ka'imaanaya faa'ido haloo diro garoobta ah imaan mayso, hayhooyooyinlama guurin dayna gabadhu ka iyo raali ka aheyn. dadka ay karo ilaa ay Sioo kale ma ahan ku kalsoon wiil 15tan jir ah ogolaato, inuu yiraahdo waxyihiin, oo ay isu gabadha aan guursanayaa sheegi 60-dan jir ah, inanta ahna haduu isagu raali karaan hadalka ha guurlama guurin ku yahaygabar runta ay sado, oo qabaan, karo ilaa ay kaaweyn waa la waayo guursan karaa, oo idanto. gabadha Rasuulka SCW haday Khadiija guursayartahay day, oo gabadha waxaa laga yaabaa "ninka waa lasiin karaa ninka hala'igu mehriyo" inay weyn laakiin waa markey afka kala xishooto, waa iyagu isdoonayaan, oo raali suurto gal inay dhacdo, isku yihiin. Laakiin in la saas ha loola socdo. isku qasbo, oo madaxa Laakiin haday ooydo, oo la?isku galiyo ma?ahan. dhulka isla dhacdo, oo 2) Odayga gabadha biximeesha ay ka dhaqaaqdo, naaya iyo gabadha waa gabadha ninka lama siin inay cadaawo ka dhexeyn, karo, ee halaga fiirsado gabadhuna ninka la siinayo walaalayaal. waa inaysan cadaawo Inanta bikaaradaa lama gaara uqabin, markaa mehrin karo idan la'aan, gabadha ninku waa qasbi idankuna waxaa ka mid ah karaa ayey culumadu inay aamustaa. Laakiin yiraahdeen. Shaafici baa mida la soo furay waa hadal noocaas ka waajib inay carabka katijawaabay, wax daliil ah oo raahdo: "Waa rabaa warkaas leeyahayna malaninkaas ee hala I siiyo", han. Runta markaad rabhadaysan dhihina lama taan gabar ninkaysay rabin mehrin karo, aabeheed lama siin karo, bal iska hajoogo ama ninkale ha dhaafe haday ninka ayadu joogo. diido, diin iyo iimaan kasRasuulka SCW waxaa too uu leeyahay khasab ku utimid gabar layiraahdo raac waalidku ma oran Khansaa bintu Khidaar, karo. Laakiin hadey ayadu inantaas waxay sheegtay nin diin leh, oo aqlaaq leh aabeheed inuu nin ku daray la timaato, oo ay reerkeeda iyaduna ay kahaneysay. diidaan hortooda ayaa lagu Nebigu SCW wuxuu yiri meherinayaa laguna "ikhtiyaarbaa leedahay ee siinayaa?..firqiga u dhexsidaa doonto yeel". eeya u fiirsada. Maxaa Ikhtiyaarbaa gabadha lasiyeelay guurka ayadaa u iyey odayguna ma qasbi baahan, ninka ay lanoolaan karo. Culamada qaarkood kartana way garan kartaa, waxay yiraahdaan "waa ninkaanbaa diin iyo aqlaaq qasbi karaa haday tahay ahaan ugu anfaca ee hala gabar aan wali la guursan." isiiyo ayey tiri? Ku siin Laakiin waxay shardi ka mayno waa reer hebelbaa dhigeen labo shardi: lagu yiri, ama waxaa lagu 1) Gabadha iyo ninka waa yiri ku siin mayno oo waa inay xaga diinta iskala mid faqiiro xoola malahan, ama yihiin, ninkana waa inuu waxaa lagu yiri ku siin gabadha u qalmo dhinac mayno oo reerkooda walba: Aqlaaqda, Diinta, dagaal naga dhexayaa. Da'da, waa lagama maarDiin laguma diidin, Aqlaaq maanbay yiraahdeen laguma durin, ee qofka culumada. Maxaa yeelay sida kale waa u fiican marka la eegaayo dadka yahay, laakiin qabiil ahaaninay isku heer yihiin xaga baa lagu diidayaa. diinta iyo dabeecada laga eeg bogga 12aad

Sidee ka yeelaysaa xoolaha xaaraanta ah

.......ka yimid bogga 1aad 6. xoolaha meel laga helay waa ka xaaraan qofka helay inta aanu baafin, waa in qofku marka uu sida lacag meel ka helo baafiyaa ama hayb raadiyaa ka dib haddii cidii lahayd la waayo waa u xaalaal qofkii helay, maadaama aan la aqoon ciddii lahayd. 7. wixii sharcigu ku xukumay xaaraanimo dhulka muslimiinta dhexdiisa sida Ribada, Qamaarka, waa ka xaaraan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan . 8. qof aan muslim ahayn waa lala macaamili karaa hantidiisa meeshuu rabo ha ka keeno, xaalaal iyo xaaraan haddii aay mucaamalada iyo hantiduba ay waafaqsan tahay sharciga iyo axkaamta islaamka 9. hanti asalkeedu banaanayd haddii ay kugu soo gasho qaaba xaaraan ah ma banana in la burburiyo ee waxaa wanaagsan in lagu bixiyo danta caamka ee dadwaynaha. 10. xoolaaha xaaraanta ah laguma intifaaci karo waxaan ka ahayn meeshuu sharcigu baneeyey. 11. xoolaha xaaraanta ah ee aan la aqoon ciddii lahay waa loo sadaqaynayaa oo waxaa la siinayaa masaakiinta iyo dadka dhibaataysan, iyo danaha guud ee muslimiinta 12. ku wareejinta hantida xaaraanta ah lagu wareejinaya masaakiinta iyo danaha guud ee muslimiinta ma aha sadaqo ajar laga helayo ee waa ka faraxalasho dembigii qoorta ugu jiray qaataha iyo ka nadiifinta hantidiisa qurunkii galay 13. hantida uu qofku ka helo ama kaga macaasho qaab ribo ah ma banaana in la gato. 14. Qofka ka ilaahay uga tawbad keena hantida xaaraanta ah waxaa u shardi ah in uu celiyo hantidii uu heeystey, una celiyo qofkii lahaa haddii la yaqaan, haddii aan la garanayn cidii lahaydna sidii tilmaamnay inuu u geeyo dadka dhibaataysan iyo masaakiinta ama lagu bixiyo danta guud ee bulshada. 15. haddii qofku hantidiisa xaalasha ah ku bixiyo meel xaaraan ah sida inuu ku bixiyay in uu ku dhiso tiyaatar lagu dhigo riwaayadaha, shaneemooyin iyo wixii la mid ah, dabadeedna sharcigu ogaado lacagta qofkii lahaa loo celinmaayo ee waxaa la siinaya masaakiinta iyo danaha guud ee muslimiinta. 16. xoolaha xaaraanta ah ee la waayay ciddii lahayd meelaha lagu bixinayo waxaa ka mid ah dhisidda iskoolada, dhisidda jidadka, cusbataalada iyo ardada oo loogu gado baahida waxbarashada sida buugaagta, qalmaanta iyo wixii kale ee deeq waxbarsaho ah oo soo hoos gasha. 17. ma banaana in lagu dhiso xoolo xaaraan masaajidda iyo meelaha lagu cibaadaysto waayo allaah wuxuu aqbalaa wixii wanaagsan oo kali ah. 18. sharcigu islaamku wuxuu qofka u baneeyay in uu isaga ehelkiisu wax ka cuni karaan xoolaha xaaraanta ah haddii ay waayaan wax kale oo ay cunaan oo loo dhib galiyey. 19. dayn aad ku lahayd qof haysta xoolo xaaraan ah waa banaantahay in aad ka qaadato haddii qof la yaqaan aanu xoolahaa lahayn 20. qof haddii uu ka xajiyo xoolo xaraan ah waa ka ansaxayaa xajkiisa,waajibkiina waa uga dhacayaa, laakin wuxuu sameeyey wax aan sharci banayan oo ajar looga qori maayo. 21. xoolaha xaaraanta ah faaiidadii laga helay waxaa lagu daraa raasumaalka waxna kama mutaysanayo qofkii haystay maxaa yeelay hal xaaraan aha ma dhasho nirig xaaraam ah wa bilaahi tawfiiq

Wargayska Ilays

Cadadka 4aad July 23, 2003 / Jamadul awal 1423

Bogga 12aad

Hooyooyinku ha nuujiyeen caruurtooda laba sano

Kitaabkeena Quraanka ah ma aha kitaab saynis ah oo ay ku qoran yihiin aragtiyo saynis ah sida (Newton theory or Einstain Relativity) Balse waxa weeye kitaab uu Allaah u soo dejiyey in lagu hannuusho Bani,aadamka oo looga saaro mugdiyada Jaahiliinta loona saaro Iftiinka Islaamka sida uu Allaah quraankiisa ku yiri: ( waa kitaab aan u soo dejinay si aad dadka kaga saarto mugdiyada oo aad u saarto nuurka...). 14:1 (A book which we have revealed unto thee, in order that thou mightest lead mankind out of the depths of the darkness into light- by the leave...)14:1 Inkasta oo uusan Quraanku kitaab Saynis aheyn haddana kama reebna in ay ku jiraan Afkaar muran ma doonta ah oo waayahan danbe uu Saynisku cadeeyey, Taas oo Dadka mu'miniinta ah iimaankooda u siyaadineysa xoog in uu kitaabkani Allaah xaggiisa ka yimid, sida uu Aabaheeen Nabi Ibraahiim uu allaah uga dalbaday in uu tusiyo sida uu Maydka u nooleeyo,markaas ayaa Allaah SWT ku yiri:(oo miyaadan rumaynin? Ibraahiim wuxuu ku jawaabay in aan rumeeyey iska daaye waan rumeeyey oo ah erey ka xeeldheer haa!!! Laakiin waxaan rabaa ayuu yiri Nabi Ibraahiim NNKH in uu qalbigeygu ku waxaa qoray Ahmed N. Cismaan Quraankeenna kariimka ah iyo sunnada nabigeena suubban calehi salaatu wasalaam (CSW) waxay marar badan ka hadleen danbiyada waaweyn oo la doonayo inuu qofka Muslinka ahi iska ilaaliyo. Iyada oo ay lagama maarmaan tahay in qofka Muslimka ahi uu iska ilaaliyo danbiyada kuwa yar-yar iyo kuwa waaweynba, ayaa hadana waxaa aad muhiim u ah inuu qofku yaqaan danbiyada waaweyn si uu uga fogaado, haddii aan qofku aqoon danbiyada waaweyn sidee ayuu isaga ilaalinayaa?. Maadaama ayan jirin hal aayad ah ama hal xaddiis ah oo koobaya danbiyadaas ayna ku kala firiqsan yihiin meelo kala duwan oo quraanka iyo axaadiista nabiga (CSW) ka mid ah. Marar badan ayaad Quraanka ku arkaysaa iyada oo Ilaahay uu dadka muuminiinta ah ku tilmaamayo inay dago!!! sida ay carabtu ugu maahmaahdo (wax sheegu arragtida oo kale ma ahan). Sidoo kale gaaladana waxay u caddeynaysaa in uusan Nabi Muxamed oo la yaqaan waqtiga uu joogay iyo meesha uu joogay in uu Aragtiyadan Saynis ka ah uu u soo waxyooday Allaah kaliya ee uusan asagu la iman. Sida uu qirtay Dhakhtarka weyn ee cilmiga Ilmaha(Embrology) Keith Moore ee kanadiyaanka ah oo macallin ka ah Jaamacadda Toronto oo leh Buugga u caansan cilmigaas oo 8 luqo lagu turjumay oo la yiraahdo:(The Human embrology). Dr. keith waxaa loo geeyey Aaydaha quraanka ah ee ka hadlaaya marxaladaha uu Baniaadamku ku maro uurka hooyadiis uu yaabay wuxuuna yiri in ay sax yihiin iska daaye sida aan ardeyda u barno habka quraanka ayaaba ka fudud. waxaa taas ka sii daran marxaladda uu quraanku ku tilmaayey (mudqa)wax la calaalshay ayuu sawiray markaas ayada ah waxayba u egtahay xanjo la calaalshay oo ilkihii ka muuqdaan. Waxaa la weydiiyey DR.Keith Moore maxaa u maleynesaa in uu Muxamed cilmigaan ka helay 15 qarni ka hor,wuxuu yiri cilmiga casriga ah ee (ultrasound) iyo (X-rays) dad'diisu ma dhaafsana 30-40 sano marka waxaan leeyahay Muxamed cilmigaa Allaah ayaa u soo waxyooday ee meel kale yihiin kuwa ka fogaada danbiyada waaweyn. Culumo badan ayaa ku dadaalay inay danbiyadaas hal kitaab ah isugu keenaan si ay dadka ugu fududeeyaan. Culumada danbiyada waaweyn wax ka qoray iskuma raacsana inta ay tahay tirada danbiyada waaweyn. Culumadu waxay is weydiiyeen maxaa la oran karaa danbi weyn ( Kabiirah) ama danbiyo waaweyn (kabaa'ir). Culumadu waxay yiraahdeen danbi waxaa la oran karaa waa mid weyn haddii:1. Danbigaas Ilaahay ama nabiga (CSW) ay ku tilmaameen inuu yahay mid weyn. 2. Uu jiro xad lagu oogo qofkii danbigaas gala, tusaale ahaan marka Ilaahay leeyahay "Tuugga (nin) iyo Tuugadda (dumar) haddii ay wax xadaan gacmaha ha laga jaro" waxay ku tusaysaa inay xatooyadu tahay danbi weyn, maadaama Ilaahay amar ina ku siiyay kama keeni karo, waxaa la yiri ma adiga oo Masiixi ah oo Ciise rumaysan ayaa sidaa oranaaya, wuxuu ku jawaabay waxaan aaminsanahay Ciise iyo Muxamedba in hal ilaah u soo wada waxyooday. waxaa kaloo laga codsaday in uu Buugiisa ku daro Aayadahan Quraanka ah ,wuuna ogolaaday oo waxaa la daabacay waxaana la yiraahdaa;( the human embrology with the verses of Koran)!!!!!. Akhristoow taas waxaa ka sii daran labo war bixin oo dhawaantan ay soo saareen la hay'adood oo cilmi Baaris ah oo mareykan ah midda hore waxaa soo saartay Jaamicadda weyn ee (Harvard university researchers) oo 15,000 oo dhallinyaro ah oo lagu soo koriyey caanaha( formula) ooysan Hooyooyinkood nuujinin in Boqolkiiba 22 ay ka buurnaadaan ilmaha kale ee hooyooyinkood nuujiyaan marka ay gaaraan da'da 9 ilaa 14.sidoo kale warbixintu waxay ku sii dartay in inta badan ee ay carruurtu naaska hooyadood nuugaan in ay ka cayil yar yihiin ilmaha aan wax badan la jaqsiin naaska hooyadood. Isla Baaritaankaas oo kale waxaa ayaduna sameysay Machadka qaranka ee caafimaadka mareykanka(NIH ) kadib markuu baaritaan ku sameyey 2,685 carruur yar yar oo da'doodu u dhaxayso 3 ila 5 sano waxay ayaguna heleen in naas nuujintu ay yareyso khatarta uu cunugu Buurni xad dhaaf ah ku buuran karo marka uu weynaado. Warbixintu waxay intaas ku dartay ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay xiisad hor leh faa'dooyinka ilmuhu ka helayaan naas nuujinta oo aad iyo aad ugu yar Dawladaha reer galbeedka ee aan u naqaan in ay horay u mareen se hantaqa ka sii shalwanaaya!!. Sida ay sheegtay warbixintaasi Boqolkiiba 29 kaliya ayaa mareykanka la nuujiyaa lix bilood oo ah inta ugu yar ay yiraahdeen akadeemiyada mareykanka ee caafimaadka carruurta(American Academy of pediatrics). Buurnida aan ka hadleyno waa buurnida xad dhaafka ah ee maanta noqotay cudur la iskala dagaalamo,maxaayeelay dadka aadka u buurani waxay halis u yihiin in ay ku dhacaan cuduro halis ah sida Sokorowga, cudurada wadnaha, qalalka maskaxda, iyo dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin dadka oo ku quursada. Haatan waxaad is weydiineysaa maxaa Haweenka Soomaaliyeed oo yaraantoodii Sannad iyo ka badan la nuujiyey, Buurnida Haweenka Soomaaliyeed badanaa waxay dhacdaa guurka kadib, waxayna ku timaadaa cayil iska ilaalin la,aan wixii doono la ruugo taasinna wax kaa celin kara majirto adiga oo iska ilaaliya mooyee(Diet), laakiin midda aan ka hadleyno waa mid ku imaaneysa carruurta ayaga laga ilaalinaayo cayilitaanka(Diet). kala soco cadaka dambe...

Waa Maxay Dunuubta Waawayn?

Gabdhaha marka la guurinayo

.......ka yimid bogga 11aad Tusaale ahaan: markuu gabadha la soo doono ayaa reerkeedii waxey ku dhaheen gabadhii: ?naa waamaxay ninkaan maxuu kuu heli karaa" Ma isagaaba guri kuu dhigi kara, ma kuraas hebel buu awoodaa inuu kuu dhigo." Waxaa kaloo ladoona habeenka caruuska sodon (30) gaari in suuqa lala maro, oo intaas oo kun la qarash gareeyo. Waxaas ayaa ladoonaya, xoola la?aan ayaa ninkii lagu nacay. Gabadhu haday ayadu iimaan iyo diin leedahay isla markaa ninka way guursan kartaa?.waa haday diin leedahay. Waa shardi barito inaysan cideeda lasafan doonin. Walaashey muslimadaa ahey! waxaan idinkaga digaa gabdhaha oranaya muslimad baan nahay, oo diinta waan fahanay?waxaan idinkaga digaa..Nin adinka aad rabtaan inta la?idiin diido, ninkaa ha?isku raacinina, hodhoow markaa la joogtaan todobo barina haka soo cararina?.waa idiin roontahaye. Ninkaa inaa ka fiirsataan waa wax idin ku haboon. Waayo wax badan ayaa arimaha noocaas xad dhaafa u dhaceen ayaamahaan danbe. Walaashey muslimada ahey! hadaadan ishubin, oo aadan nafsadiina ku kal soonayn inaa diinta Ilaalin kartaan reerkiinu ninkay diidaan idinkuna iska diida, waa hadaadan ishubin oo aadan go?aan gaari karin kama danbaysa, waayo qofka muslimkaa waxaa looga baahan yahay imtixaanka uu isleeyahay waa ka bixi kartaa waa inuu galaa, laakiin waxaa isleedahay ma fulin kartid, qasabna aan kugu ahayn ha dhex galin marka hore.

Waygayska Ilays

Cadadka 4aad

july 20, 2003 / Jamadul awal 1423

Bogga 13aad

Ma Doonaysaa Raali Ahaansha Alaaah

ka yime bogga 5aad Wuxuu yiidhi SAWS "in la soomo seddex maalmood bil walba (waxay u dhigantaa) sanad dhan soonkiisa" Waa la isku raacay Miyaad dooni xasanaad sida buuraha u weyn? Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii raaca janaazada inta lagaga tukanayo, wuxuu leeyahay Qiiraad, qofkii raaca se inta laga aasayo wuxuu leeyahay labo qiiraad, waxaa la warsaday (rasuulka SAWS), waa maxay labada qiiraad, wuxuu yidhi SAWS , waa sida labo buurood oo waaweyn" La isku raac Miyaad dooni inaad ku weheshato rasulka SAWS jannada? Wuxuu yidhi SAWS " Aniga iyo kan masruufa agoonta waxaannu nahay sidatan jannada gudeheeda, asagoo tilmaamaya farta dhexe iyo farta wax lagu tilmaamo" Bukhaari Miyaad dooni inaad hesho ajarka mujaahidka Allah dartiis, ama kan sooman, ama ka qiyaamulleilka u taagan? Wuxuu yidhi SAWS " Qofka u raadiya (masruuf) haweenta ninkeeda geeriyooday, iyo miskiinka , wuxuu la mid yahay qofka ku jira jihaad Allah dartiis" La isku raac Miyaad dooni inuu Rasuulku kuu damaano qaado jannada? Wuxuu yidhi SAWS " qofkii ii damaano qaada afkiisa iyo ibtiisa, waxaan u damaano qaadi Jannada" (tarjumadda ,( beyna lixyeyhi wa rijleyhi), afsoomaliga wey ku qallafsantahay, marka macanaha ayaan tarjumay) Waa xadiith la isku raacay. Miyaad dooni in camalkaaga wanaagsan uusan ku hadhin geeridaada? Wuxuu yidhi SAWS " Hadduu aadamigu geeriyoodo, waxaa go'ah camalkiisa oo dhan illa seddex mooyaanee 1. Sadaqad socota, (sida ceel uu qoday oo laga cabo biyaha) ama cilmi laga faaiideysto, ama ubad wanaagsan oo u duceeya" Muslim Miyaad dooni inaad hesho ajarka u dhigma inaad qiyaamullyl u taagneyd habeenkiyoo idil? Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii ku tukada cishaha Jamaacad, wuxuu u dhigmaa qof habeenka intiisa badan u taagnaa qiyaam, qofkii ku tukada salaadda Subaxana jamaacad wuxuu u dhigmaa inuu habeenkii yoo idil uu u taagnaa qiyaam" Muslim Miyaad dooni in miisaankaaga qiyaamaha aad ku culeysiso xasanaat? Wuxuu yidhi SAWS " laba erey, uu Raxmaanku jecel yahay, una fudud carrabka, kuna culus miisaanka (qiyamaha) waa ( Subxaana Allah wa bixamdih, subxaanallahul cadhiim) Al Bukhaari Miyaad dooni in risqiga lagu balladhiyo, cumrigana laguu dheereeyo? Wuxuu yidhi SAWS " Qofki ku farxi lahaa in arsaaqda loo ballaadhiyo, (cumrigana loo dheereeyo, Tarjumad, YANSAA LAHU FII ATHARIH) ha xadhiidhiyo raximkiisa. Al Bukhaari. Miyaad dooni in Allah uu jeclaado la kulankaaga? Wuxuu yidhi SAWS "Qofkii jecleysta la kulanka Allah, Allahna wuu jecleystaa la kulankiisa" Bukhaari Miyaad dooni in dunuubtaada lagaa cafiyo, xataa haddey badan tahay? Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii yidhaahda maalinkii qudha Subxaanallah wa bixamdih boqol jeer, waa laga tirtiraa dunuubtiisa xataa haddey u badan tahay sida xumbada badda" La isku raac. Miyaad dooni inuu Allah kuu naxarissto? Wuxuu yidhi SAWS " Qofkii igu salliya mar qudha salaat, (salaaddu macneheedu waa dalbasho naxariis iyo darajo), Allah qofkaas wuxuu ugu abaal gudaa inuu ku salliyo qofkaas toban jeer" Muslim Miyaad dooni inuu Allah meel sare ku gaadhsiiyo? Wuxuu yidhi SAWS " Ma jiro qof isu dulli yeelay Allah Cazza wa jalla, uusan Allah meel sare gaadhsiinin" Muslim

Mucjisooyinka Qur'aanka

waxaa qoray Maxamed Caaqil [email protected] Waa arin si dhab ah go'aan looga gaaray markii in badan Badaha la soo baaray sawirana dayax gacmeedka looga qaaday, arinkan waxaa ka hadlay Barfasoor Sharaidre oo ka mid ah culimada ugu waaweyn ee ku takhasustay cilmiga badda ee dalka Jarmalka.Barfasoorku wuxuu dhihi jiray, Cilmigu hadii uu hor maro Diintu way dibdhacdaa, Laakiin markii uu maqlay Aayadaha Quraanka sida ay uga hadlayaan cilmiyada waa uu garowsaday wuxuuna yiri kani maha hadal baniiaadam Barafasoor Daroiger oo ah macallin Giolijiyada badda, asagoo ka hadlaaya aayadda Allah( S. W) uu lahaa ama macneheedu uu ahaa( SIDII MUGDIYAAL BAD MOOL AH UU DABOOLAY HIR KORKIISANA HIR KORKIISANA DARUUR .. MUGDIYAAL IS DULSAARAN OO HADII UU BIXIYO GACANTIISA UUNA ARKEENIN .. QOFKII ALLAH UUNA U YEELIN NUUR IYO IFTIIN NUUR MA HELO)suuratu Nur40) Wuxuu leeyahay Barafisoorku dadku waxay ahaayeen waagii hore kuwa aan awoodin iney Badda makhuurtaan wax ka badan10

Maahmaahyo Soomaali ah

Maahmaahyada ka bilaabma xarafka (A) 1 Aadme la aragyaaba, dhib la arag. 2 Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar 3 Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh. 4 Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa. 5 Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa. 6 Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa. 7 Abuur iyo waano abuur baa horreysey 8 Adduun i khatal. 9 Adhi magantii ma barriiyo. 10 Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa. 11 Aduun wey ki amoodeey ugaaw??? 12 Af-ka nool abooto mudac. 13 Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo. 14 Af Daboolan, Dahab waaye. 15 Af hadlaaba aamus. 16 Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa 17 Af waa kane, maxaa lagu aamaa 18 Af wax cunay xishoo 19 Alla aamin ma iisho 20 Alle watow wehel uma baahna 21 Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin 22 Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin. 23 Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe 24 Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay. 25 Ammaan lama dhu-dhumiyo. 26 Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay. 27 Arab iyo waraabeba talo xumaa laga nool yahay. 28 Arrad waa dan uskagse waa doqonniino 29 Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato. 30 Arrin xumo abaar ka daran 31 Awrba awrka ka horreeya ayuu horraanqaadkiisa leeyahay 32 Ayax teg eedna reeb.

Sidaa darteed buu Barfasoor Daroiger leeyahay Aayadaha Quraanka inaysan ahayn

mitir ayaga oo aan isticmaaleynin qalab, laakiin hadda waxaan dhunbanaa ama quusnaa badda gunteeda anagoo isticmaaleyna qalabka casriga ah waxaan aragnaa mugdi aad u daran marka aad laba mitir hoos u quusto aayadda Quraanka ah waxay leedahay (BAD MOOL AH) sidoo kale waxay aayaddu nasiineysaa cilmi kale oo ku saabsan Badda gudaheeda macnaha qowlkii Allah (sw) (MUGDIYAAL MIDBA KA KALE KA KOREEYA) sida la ogyahay midabada qarsooma waxaa kamid ah Guduud, Booraha, Buluugga, Cagaarka, Oranjiga iyo wixii la mid ah, midabadaas hadii badda la geliyo way qarsoomayaan oo madow bay noqdaan, waxaa u horreya oo qarsooma Gaduudka hadana Oranjiga hadana Booraha, midabka u danbeeya ee qarsooma waa Buluugga wuxuuna ku qarsoomaa marka badda gudaha loo geliyo boqol mitir, midab walba oo qarsooma wuxuu u madoobaadaa waxyar waxyar illaa uu wada madoobaado. Laakiin marka la fiiriyo Aayadda Allah Subxanahu Watacaalaa (HIR DUSHIISUNA UU YAHAY HIR) waxaa cilmi ahaan la ogaaday inuu jiro Teed u dhexeeya Badda hoose iyo tan kore Teedkana waxaa ka buuxa Hirar bannanka u soo baxa oo aan aragno iyo kuwo ku jira Badda hoose oo aynaan arkeynin, waana wax dhab ah oo cilmi ahaan loo baadhay. Sidaa darteed buu Barfasoor Daroiger leeyahay Aayadaha Quraanka inaysan ahayn Cilmi adami.

Wargayska Ilays

Caqligii Wanaagsani Itaal Inuu Ka Roon Yahay Bal Eegoo u Fiirsada

MAAYO. Maxaa caawa xalay uga eg in Reer galbeed maanta uu nagu eedeeyo tagrifalid haween loo geysto oo uu nagu caayo haweenkoodu wey is asturaan,waxaanna u doodeynaa xuquuqda haweenka ee ha la xoreeyo. Waa caado jaahili waxaadna moodaa in ay isku dardaarmeen sidii Rabi Quraankiisa noogu sheegay:(Miyey isku dardaarmeen(gaaladu)Arrintaas,waase qoom xadgudbay)AL-daariyaat, 53. Maqaaladeydii hore ee(sigaar ma haysaa)ama(hooyo waxaan la noolaanayaa saaxiibkay)ayaan qaar ka mid ah dhaqan xumida Reer galbeedka kaga soo hadalnay,Haatanna waxaa fiirinayaa laba meelood oo Reer galbeedku ku jaa,ifeeyaan muslimiinta taagta daran keebaa caqliga saxa ah uu keensanayaa,keebaase fiican,keebaase nabdoon?. Midka hore oo noqotay Astaan gaar ah oo ruux kastaayi ka ogyahay Islaamka, waa in uu Islaamku Baneeyey in la guursado AFAR HAWEEN isku mar,Ayadoon la sheegeynin sababaha uu Islaamku uga duwan yahay dhaqamada kale ee Jaahiliyiinta ooy ka mid yihiin kuwani: 1)Waxaase ugu muhiimsan in uu Islaamku u yimid ayadoo haweenka la guursado intii la doono ilaa uu soo Islaamay saxaabigii geylaan ibnu salama asagoo qaba toban haween ah, markaas ayuu Nabigu NNKH ku yiri:(ka dooro

Cadadka 4aad July 23, 2003/ Jamadul awal 1423

Bogga 14aad

Shiikh Saahid Maxamed Yusuf E-mail: [email protected] TORONTO, CANADA

Markuu Ra,iisal wasaaraha kanada (jean charein) uu socdaal 12 maalmood ah ku soo kala bixiyey wadamada bariga dhexe ee muslimiinta bishii dhaweyd ee April, 2000 ayaa waxaa ka mid ahaa qoddobaduu la soo falanqeeyey Dunnida carabta, ku tagrifalidda xuquuqda haweenka iyo xuriyatul qoolka. Waxayse wargeysyadu iyo qalabka war baahinta dhammaantii buunbuuniyeen socdaalkiisii dawladda Sacuudi Carabiya iyo sida ay ugu tagrifasho xuquuqda haweenka waxaan ka mid ahaa dulmiga lagu eedeeyey sacuudiga: 1) in uusan ka jirin caweysyo (clubs) lagu caweeyo sida baararka khamriga laga cabo,kuwa haweenku cawradooda ku iibsadaan(strip clubs). 2)in haweenku qaadan karin dhar jilicsan ama aan si kale u iraahdo in ay jirkooda qariyaan ooy jalbiib xirtaan markay bannaanka socdaan. 3)in haweenku baabuur wadi karin. 4)in haweenka iyo raggu aysan is dhex gelin meelaha shaqada, dugsiyada, maqaayadaha, berkadaha lagu dabaasho iwm. Intaas iyo qodobo kale oo fara badan ayey reer galbeedku ku eedeynayaan wadamada muslimiinta ah ee waliba aan ku dhaqmin Islaamkoodii sidii la rabay sacuudigaWaa Maxay Dunuubta Waawayn? ba ha ahaatee. Ka yimid bogga 12aad yaalo Ilaahay gaar u ah ayaa yiri "haah, noo Markaan ahay ruux uu cid kale siiyo sida sheeg rasuulkii muddo ku dhex noolaa inuu qofku caabudo Ilaahayow", nabigu 3. Uu Ilaahay qaaradan waqooyiga wax aan Ilaahay ahayn wuxuu yiri " Shirkiga, Ameerika, sidoo kalena ama nabigu CSW ay waalidka oo lagu qofkii danbigaas gala u ama uu baryo ama uu aan wax badan akhriyey rumeeyo in cid aan caasiyo iyo shaahadatul sheegeen inuu naar dhaqankooda iyo nolol mutaysanyo. Ama ay Ilaahay ahayn ay wax u zuurka (been lagu maalmeedkooda. waxay yiraahdeen nacalad dhimi karaan ama ay markhaati kaco), waa wax tari karaan. xaddiis ay Muslim iyo eedeyntani i soo xasuu- ayaa ku dhacaysa Shirkigu wuxuu u Bukhaari isku sisay Reer Luudh oo qofkii sameeya. qaybsamaa laba qaywaafaqsan yihiin dhawr kun oo sano ka Hadaba waxaan haddii bood: (mutafaqun calehi). Ilaahay raalli ka noqdo hor ku eedeeyey nabi" Qaybta " Qaybta labaad: halkaan inoo ka bilaagoodii Luudh NNKH koowaad: waa shirkiga Is-tustuska: shirkiga banaya kitaab ka mid iyo dadkii raacay ku weyn oo uu qofku cid qaybtiisa labaad waa ah kuwa ugu caansan eedeeyey Dad isdahiis-tustuska, waa iyada oo laga qoray danbiya- aan Ilaahay ahayn raaya siduu rabi noo caabudo ama uu oo qofku markuu da waaweyn. Sababta sheegay: (ma noqonin awooddii Ilaahay cid cibaadaysanyo uu ugu weyn oo aan u jawaabtii Qoomkiisa kale u rumeeyo. meeshuu Ilaahay uga doortay kitaabkaan waa waxaan aheyn ka bixiya isaga oo gaarsiiyay Shirkiga weyn meelo niyaysan lahaa uu badan ayaa quraanku cibaadada u sameeyo Luudh iyo ehelkiisa tirada danbiyada uga hadlay, waxaa ka halagaa sheego ama ha magaaladiinna waa Dad waaweyn ilaa 70 danbi. mid ah marka Ilaahay lagu arko iwm. is dhaahirine)AlKitaabka waxaa la leeyahay "Ilaahay Axaadiis badan ayaa namal,56. Waxay kaloo i yiraahdaa "kitaabul alqofna uma dhaafo had- ku soo aroortay is-tuskabaa'ir" oo macneheesoo xasuusisay dii uu wax la wadaatuska. Nabiga CSW du yahay "kitaabkii mushrikiintii carabta jiyo, qofkii uu Ilaahay ayaa laga soo wariyay danbiyada waaweyn" , ayaan intii aan nabiga doonana waa u dhaafaa inuu yiri " waxaan idiloo soo saarin Rag iyo waxaa qoray nin la wixii shirkiga ka soo inkaga digayaa shirkiga yiraahdo shamsul-diin haweenba waxay kacbaharay" suuradda al-nisa yar" saxaabadii ayaa al-dahabi. da ku dawaafi jireen aayadda: 48aad. waydiiyay " waa Al-dahabi wuxuu ku Qaawanaan Nimankana dhashay magaalada Mar kalena maxay shirkiga yari?" Ilaahaywuxuu yiri nabiga csw ayaa ugu maalintii, Haweenkana Dimishiq waddanka "qofkii Ilaahay u shari- jawaabay " waa is-tushabeenkii ayadoo wax Suuriya sanadku ig yeela, Ilaahay janada tuska". Axaadiis aad u yar ku qarinaysa markuu ahaa 1273-dii, waa ka xaaraanshay, faro badan ayaa ku soo cawradeeda ayey waxay wuxuu dhintay 1348wuxuuna ku waarayaa arooray in qofkii aan dii. ku heesi jireen: naarta" suuradda Alcibaadadiisa Ilaahay Danbiga Koowaad: MAANTA KULIGIIS maa'idah aayadda: ula niyaysan uusan ka Shirkiga AYAA LA MUUJIhelayn wax ajar ah. Danbiga danbiyada ugu 73aad. Dhinaca NAYAA AMA Axaaddiista , Nabiga weyn waa shirkiga oo QAARKIIS. CSW ayaa saxaabada macnihiisu yahay in WIXII MAANTA KA ku yiri "ma idiin sheeqofku Ilaahay wax la MUUQDANA LA gaa 3-da danbi oo ugu wadaajiyo oo uu wax waaweyn?" saxaabadii XALAALAYN-

Afar ka mid ah). 2)Ayadoo inta badan ay Haweenku ka badan yihiin Ragga taas oo saami ahaan in afartii haweenba uu ku soo aadaayo hal nin.Arrintan oo reer galbeedku ka soo horjeeday in muudo ah waxay ku fashilmeen markii uu dhamaaday Dagaal weynihii Adduunku ee labaad oo ay ku qasabtay dawladii jarmalka markii uu raggii dhamaaday ay soo saareen in wax laga badalay sharcigii guurka oo Raggii loo fasaxay in ay guursadaan hal haweeney in ka badan. Arrinkaas ooy wafdi ugu soo dirsadeen Jaamicadda AL-ashar ee ku taal Masar si ay arrinkaas xal ugu helaan. 3)In la caawiyo Agoonta oo intii la masruufi lahaa oo kaliya in hooyadood la guursado si ay u dareento sharaf iyo in ay tahay haweeney la qabo ee aysan aheyn ruux tuugsanaaya. 4)Islaamka oo xaaraantimeeyey in Ragga iyo haweenka ay si kale xiriir jinsi ay u yeeshaan sida ay Banneeynayaan Reer galbeedka oo ah in uu ninku qabo hal haweeney se uu xirriir la yeesho sagaal saaxiib(girl friends). Haddaan halkaas aan ku soo gaabiyo sababaha ugu weyn ee Islaamku u banneeyey in la guursado afar haween, waxaan u leexanayaa cilmiga barashada dadka iyo dhaqamadooda (ANTHROPOLOGY)oo runtii haddii aad fiiriso dadka aduunka ku nool ee jaahiliyiinta ah in uu wax kasta ka suurtoobo, Addunka oo dhanna uu ku faafsan yahay in la guursado hal haween wax ka badan waxaana loo yaqaanaa(polygamy).Se markaad is barbar dhigtid ayaga iyo Islaamka waxaad ogaaneysaa in aysan sinmin caqliyadda Islaamka ee wanaagsan iyo itaalka dawladaha waaweyn ee liita. Taas waxaan ula jeedaa maqaal ku soo baxay Joornaalka caanka ah ee(TIME) Bishii Nov,1999 boggiisa (Families)oo ka sheekeynaayey mowduucan(polyamorists)oo uu yiri haatan waxay ku oo badanayaa wadanka mareykanka waxayna leeyihiin kumaankum Joornaal iyo kumaankun(website)Bishiiba iyo labo shirweyne sannadkiiba iyo urur lagu magacaabo(loving more).Waxay haatan u dacwoonayaan seddex qof oo isla nool oo maxkamadi ka qaaday gabar yar oo ya dhashay haweeney la yiraahdo APRIL oo uu qabay in la yiraahdo SHANE kadibna jeclaatay saaxiibkood oo la yiraahdo CHERIS markay u sheegtayna in ay isla oggolaadeen in labada ninba ay wadaagaan APRIL oo kuligood isla noolaadaan intey kala tegi lahaayeen oo saaxiibtinimadoodii dhumin lahaayeen. Markaas ayaa maxkamad ka qaaday APRIL gabar yar oo ay horay u wadatay markay soo dacweysay ayeydeed oo tiri gabadhaasi si akhlaaq ah ku kori meyso haddii loo daayo meeshaas. Tan oo kaliya kama dhacdo carada mareykanka ee waliba waxaa jira gobolka UTAH in ay ku nool yihiin koox diimeed la yiraahdo mormones oo ogol in la guursado naagaha intii la doono, waxayse balo ku dhigeen in ay isla guursadaan dadka aan is geyin sida labo wallaalo ooy isla qabaan ,gabadh adeerkeed guursaday iyo wax yaabo kale oo dhaqan xumi ah. Marka akhristoow sow maadan arkin in caqliga wanaagsani itaal in uu ka roon yahay aan si kale u dhahee in Diinteena Muqadiska ah ay waafaqsan tahay fidradeena kana fiican tahay xumi kasta oo jaahiliintii hore iyo tan casriga ah ee uu hormuudka u yahay mareykanku in ay ka fiican tahay

Wargayska Ilays

Waqtiyada Salaada

Subax Isharaq

5:30 5:30 5:31 5:31 5:32 5:32 5:33 5:34 5:34 5:35 5:36 5:37 5:37 5:39 5:40 5:41 5:41 5:43 5:44 5:45 5:45 5:47 5:48 5:48 5:49 5:51 5:52 5:52 5:54 5:55 5:56

cadadka 4aad july 23 2003 / Jamadul awal 1423

bogga 15aad

Bisha Jully, 2003

Maalinta

Tue Wed Thu Fri Sat Sun Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun Mon Tue Wed Thu 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 1/5 2/5 3/5 4/5 5/5 6/5 7/5 8/5 9/5 10/5 11/5 12/5 13/5 14/5 15/5 16/5 17/5 18/5 19/5 20/5 21/5 22/5 23/5 24/5 25/5 26/5 27/5 28/5 29/5 1/6 2/6

Duhur

1:17 1:17 1:18 1:18 1:18 1:18 1:18 1:19 1:19 1:19 1:19 1:19 1:19 1:19 1:19 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20 1:20

Casar

5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:26 5:25 5:25 5:25 5:25 5:24 5:24 5:24 5:24 5:23 5:23 5:23 5:22 5:21 5:21

Ma qrib

9:04 19:04 9:03 9:03 9:03 9:03 9:02 9:02 9:02 9:01 9:00 8:59 8:59 8:58 8:57 8:57 8:57 8:55 8:54 8:53 8:53 8:52 8:51 8:51 8:50 8:47 8:46 8:46 8:44 8:43 8:42

Cishe

10:59 10:59 10:58 10:57 10:56 10:56 10:55 10:54 10:54 10:53 10:51 10:50 10:50 10:48 10:46 10:45 10:45 10:42 10:41 10:40 10:40 10:36 10:35 10:35 10:33 10:30 10:28 10:28 10:25 10:23 10:21

3:36 3:36 3:38 3:39 3:40 3:40 3:42 3:43 3:43 3:44 3:47 3:48 3:48 3:51 3:53 3:54 3:54 3:57 3:59 4:00 4:00 4:03 4:05 4:05 4:07 4:10 4:12 4:12 4:15 4:17 4:18

Duruusta kala soco masaajidka Imaam-shaafici

Duruusta ka socota masaajidka Imaam-shaafici Taariikhdii taabiciinta Jimce bacdal maqrib. Fiqi (durarul bahiya) Sabtida iyo Axadda bacdal maqrib. Saxiixul muslim Talaada iyo Arbaca bacdal maqrib. Riyaadu as-saalixiin Khamiis bacdal maqrib. Kitaabu Tawxid (Fatxul-majid) bacdal casar sabti/axad Dugsiyadda dumarka kala xiriir Tel: 612-998-5949 Wargayska ilays waxuu ka soo baxaa masaajidka imaamshaafici wixii dheeraad ah kala soo xiriir Tel:612-275-2512 email: [email protected] waxaad kale oo aad wargayskaan ka akhrisan

Dugsiyada Caruurta kala xiriir Tel: 612-388-5103

Wargayska Ilay

Cadadka 4aad July 23, 2003 / Jamadul awal 1423

bogga 16aad

Ma u baahan tahay guryo ijaar ah 2 BedRoom Apt

Waa guryo nadiif ah oo uu hantiiluhu si fiican uga shaqayey,

Reer walba waxay leeyihiin bakhaar(storage) u gaar ah. heat, biyo kirada ayay ku jiraan Haddii aad u baahan tahya wac Tel: 763-416-7775 Gurigu wuxuu ku yaal franklin iyo 21st 923 21th Ave S.

INDHO-DEERO TAILORING CTR Farsamada dhar tolida ee indho-deero waxaad ka helaysaa soo dhowayn iyo qiimo jaban

Waxaad lagu tolaa: - Daahyada sida kuwa daaqadaha albaabada iyo kuwa lagu xirto guriga - Dharka Ragga - Dharka Dumarka - Dayactir dharka duuga ah kala xiriir: Cali indho deero 612-267-3961 wuxuu ku yaal moolka soomaalida ee Alkaraama xaafadda Ceder

Ma doonaysaa Dahab aad ku helayso qiimo jaban Imow Dukaanka.

Dukaankani wuxuu ku yaal suuqa soomaalida ee xaafadda ceder kala xiriir maamulka Cabdilaahi M. Adan Tel: 612-998-5564 Maxamud Xasan Dooyo Tel: 612-998-3058 Xaggee ku yaal: 413 Ceder Ave

Information

Ilays4.qxd

16 pages

Report File (DMCA)

Our content is added by our users. We aim to remove reported files within 1 working day. Please use this link to notify us:

Report this file as copyright or inappropriate

570452

You might also be interested in

BETA
Ilays4.qxd
Ilays3.qxd
Ilays2.qxd
Ilays6.qxd
Ilays-kayd.qxd